Khasaaraha ka dhashay roobab ka da’ay shalay iyo xalay magaalada Hargeysa

Roob xoogaan oo shalay iyo xalay ka da’aayey magaalada Hargeysa ayaa waxa ka dhashay khasaare maaliyadeed iyada la badbaadiyey dad uu qaaday.

Ciidanka Dabdemiska caasimada Hargeysa ayaa xalay fidiyay gurmad kala duwan kaasi oo iskugu jiray Badbaado dad , Gaadiid iyo Guryo hawlgaladaas oo dhamman laga soo sheegay lambarka gurmadka degdega ah ee 990 .

Hawlgaladan ayaa ka kala dhacay Guryaha, Dooxyada iyo Biyo mareenada ku yaalla degmooyinka Maxamuud Haybe , Maxamed Mooge , 31 May iyo Gacan-Libaax waxaanay faahfaahin toodu kala tahay :

1. Tirada dadka laga soo badbaadiyay Daadadka : 172 Qof.

2. Gaadiidka laga soo badbaadiyay Biyaha Dooxu iyagoo sita : 3 Gaadhi.

3. Guryaha daadku gudaha u galay ee ciidanku u gurmaday : 49 Guri.

4. Gaadiidka khasaaruhu soo gaadhay ee daadku la tegay : 12 Gaadhi.

5.Guryaha khasaaruhu soo gaadhay : 18 Buul iyo hal Jiingad ah.

Ma jirin dhimasho iyo dhaawac uu sababay Roobabka maanta ka da’ay magaalada Hargeysa.

Laamaha kale ee dawlada ayaa iyaguna dhankooda heegan buuxa ka galay daad gureynta iyo samatabixinta dad iyo duunyo.

Ugu dambayna ciidanka Dab-demiska Somaliland wuxuu halkan farriin uga dirayaa bulshada ku nool Somaliland inay markastaba ka taxadaraan goobaha Dooxyada iyo Biyo mareenada.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker