Hooyo Mataano ay uurka ku Sidday ku wayday Dhiig qaldan oo lagu shubay, xaalad adag oo caafimaadna gashay!!

Hooyo Jamiila oo lahayd uur mataano ah ayaa la geeyay Cusbitaalka Gabiley si ay ugu umusho, waxa la sheegay in dhiig ay u baahantahay, nooca dhiigeeda waxay ku sheegeen Cusbitaalka Gabiley (B+) Hooyaddi waxay lagu shubay (5 Unit) ah oo kaydka yaallay, markii dhiigi lagu shubay Hooyo Jamiila xaaladeedu way is bedeshay Afkay ka xunbaysay waxaanay gashay xaalad Caafimaad oo daran, waxay umushay Carruurtii Mataanaha ahaa oo mid dhashay isagoo meyda kii kelina markiiba wuu dhintay.

Marlbaad waxa lagu shubay Hooyo Jamiila (5 Unit) oo dhiig (B+) ah oo qaldan, xaaladeedi halis ayay gashay, waxay gashay Koomo, si degdega waxa loola soo cararay Cusbitaalka Guud ee Hargeysa, shaybaadhadi waxay sheegeen in dhiigyaraani jirto, si loo badbaadiyo waxa la qorsheeyay in dhiig loo shubo, waxa la baadhay nooca dhiiga Hooyada waxaana la ogaaday in ay tahay (O-) dhigii ahaa (B+) si qaldan loogu shubay, Cusbitaalka Gabiley waxa ka dhacday dayacaad iyo masuuliyad darro weyn.

Xaalada Hooyada oo halis ah ayaa lagula tacaalayaa Cusbitaalka Hargeysa, waxaan Alle uga baryaynaa Caafimaad, dayacaadda dhacday waa in ciqaabi ka dhalataa, Hooyadaasi waa in ay heshaa magdhaw, dhakhaatiirta khaldka ama dayaacadda sameeya waa in lala Xisaabtamaa, dalkeena waxa ka dhaca maalin kasta masuuliyad darro noocan ah, waa in Golaha Wakiiladu diyaariyaan Xeerkii Caafimaadka Qaranka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker