Hantidhawraha guud ee JSL oo mudo 7 cisho ku siman sifo sharcidaro ku fadhiya Xafiiska Hantidhawrka

Hantidhawraha guud oo mudo 7 cisho ku siman sifo sharcidaro ku fadhiya Xafiiska Hantidhawrka yadoo ka ay dhamaatay muddo xileedkiisii sharciga ahaa ee 5 sano

Sida lala wada socdo Haayadaha kala duwan ee dalku waxay ku Aasaanyihiin Xeerar baarlamaani ah oo sheegaya shaqadooda iyo Masuuliyadaha maamulkoogu ay qaranka u hayaan,

Hadaba Hantidhawraha guud oo ka mid ah Hayaayadahaa dawlada kuwooga ugu awooda badan ayaa ku aasaasan xeer dastuuri ah oo la yidhaahdo XEERKA HANTI-DHAWRKA GUUD EE QARANKA Lr.76/2016
Sida uu qeexayo (Qodobka 9aad
Muddo Xileedka Hanti-dhawraha Guud)
Iyada oo loo eegayo gaadhida da’da hawlgabka sharciga ah, Hanti-dhawraha Guud waxa uu xafiiska hayn doonaa muddo dhan (5) shan sanno oo loo cusboonaysiin karo hal mar.

Yadoo markii la Magacaabay Axmed Yuusuf Dirir waa Hantidhawraha xilkiisu dhamaaday e ay taariikhdu ahayd 4tii Janauary 2018 Muddo xileedkuna kaga eekaa 4ta January 2023 uu Wali shaqadii hayo isagoo sifo sharci daro ah ku sii shaqaynaya adeegsanayana Awoodihii kala duwanaa ee Saxeexyo iyo Awaamiir ba lahaa yadoo aanay jirin habayaraatee cid kala wareegtay Masuuliyadaa mudo dhaafka ah iyo Dibumagacaabis loo sameeyey toona,

Muxuu yahay xidhiidhka ka dhexeeya Banaanaanta Xilka uu hayey Hantidhawrahii guud Mr Dirir iyo Magacaabista Wasiir Cali XoorXoor?

hadaba waxa iyana meesha aan ka maqnayn oo Bulshada qaybeheeda kala duwan ay diiradda ku hayanaan Mudo dhaafka Hantidhawrahii guud Axmed Yusuf Dirir iyo Magacaabidda uu Madaxwaynuhu magacaabay Maareeyihii hore dekeda Barbara ee Cali Xoorxoor oo adeer dhaw ugu beegan Axmed Dirir,
Waxa iyana aan meesha ka maqnayn Goloha wakiilada oo si dhaw ula socda mudo dhaafka iyo Banaanaanta Xilkii Hantidhawraha guud.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker