Beesha Caalamka Oo Wadajir U Cambaareeeyay Qarax-yadii Muqdisho.

Muqdisho-(OWN)-Qaar ka mid ah dowladdaha iyo Ururadda Caalamiga ah ayaa si kulul u cambaareeyay Qaraxyadii shalay lagu weeraray Kontoroolka Tiyaatarka Soomaaliya.

Dowladdaha Carabta,kuwa Yurub, iyo dalka Mareykanka ayaa sheegay in Qaraxaasi ay aad uga naxeen,islamarkaana uu kusoo aaday xilli Amniga Caasimadda uu soo hagaagaayay.

Dowladda Mareyanka ayaa sheegtay in ay qaadi doono tilaabo looga jawaabaayo Qaraxyaddii Al-Shabaab ee ka dhacay Muqdisho,islamarkaana ay laba jibaari doonto howlgallada dhanka cirka ah ee ay ka waddo Soomaaliya.

Sidoo kale dowladda Sacuudi ayaa sheegtay in dowladda Soomaaliya ay ka caawin doonto sidii gargaar loo gaadhsiin lahaa dadkii ay waxyeelado kasoo gaadhtay Qaraxyadii shalay ka dhacay Muqdisho.

Al-Shabaab ayaa Laba Qarax ku  qaaday Barkontorool oo ay ku sugnaayeen Ciidamada Ilaaladda Madaxtooyadda oo ku taalla Tiyaatarka Qaranka iyo waliba daljirka Dahsoon ee Muqdisho.

Ku dhawaad 27 qof oo Isugu jira Askar iyo  Dad Shacab ah ayaa ku dhintay Qaraxyadii Shalay ka dhacay Muqdisho.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker