Kenya Oo Ka Hadashay Eedeymo Loo Jeediyay Baaqna U Dirtay Dowladda Soomaaliya

Dowladda Kenya ayaa Soomaaliya waxaa ay ugu baaqday in ay ka waantowdo eedeymaha culus ee ay u jeedinayso dhigeeda kenya, waxaana soomaaliya laga dalbaday in wax waliba lagu dhameeyo wada hadal iyo isfaham guud oo lagu xaliyo waxyaabaha la isku hayo.

Afhayeenka Dowladda Kenya Cyrus Oguna oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in loo baahan yahay in wax waliba si hoose loo xaliyo, waxaana Soomaaliya uu ugu baaqay in ay abuurto jawi nabadeeed oo sahlaya in khilaafka lagu xaliyo wada hadal.

Waxaa Afhayeenka u hadlay Kenya uu sheegay in aysan ku lug lahayn arrimaha dowladda Soomaaliya ku eedeysay, sidoo kale waxaa uu beeniyay eedeymaha loo soo jeediyay Kenya ee ah in ciidamadooda ka jooga Soomaaliya ay ku lug leeyihiin dhoofinta sonkorta sharci darrada ah iyo ka ganacsiga dhuxusha.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay Kenya ugu eedeysay in ay ku lug leedahay dagaalkii ka dhacay Gobolka Gedo, waxaana la sheegay in ay soo hubeysay Ciidankii weerarka kusoo qaaday Magaalada Balad-xaawo ee Gobolka Gedo.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker