Wasiirrka Maaliyadda Somaliland Oo ka Qaybgalaya Shirweyne Caalamiya oo Lagu Qabanayo Nairobi
Wasiirro ka socda Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa gaadhay magaaladaย Nairobi ee dalka Kenya, halkaasi oo ay kaga qaybgalayaan Shirka caalamiga ah ee โKorodhka dadka iyo horumarka ee ICPD)โ, kaasi oo la qabanayo ย 13ka ilaa 15ka Bisha November.
Wasiirradan shirka ka qaybgalaya ayaa kala ah Wasiirka Horumarinta Maaliyadda Dr. Sacad Cali Shire iyo Wasiir Ku-xigeenka Qorsheynta Eng. Xuseen Ibraahim Buuni.
Dawladda Somaliland ayaa doonaysa inay shirkan uga ย faaโiideysato sidii ay wax uga qaban laheyd dhallinyarada JSL ee sii kordhaysa iyo sidii taabogelin lahaa tayada waxarashada iyo shaqooyinka, Sida uu baahiyey Wargeyska East African Business Weekย .
Wasiirka Horumarinta Maaliyadda Dr. Sacad Cali Shire ayaa sheegay inay shirkan caalamiga ah doonayaan inay wax ka korodhsadaan sida dalalka caalamku ay u maareeyeenย arrimaha waxbarashadda dhallinyarada, gaar ahaan ย hablaha iyo shaqo abuurka.
โHaddii aanu nahay Somaliland waxaanu leenahay dhallinyaro aad u badan, kuwaasi oo doonaya inay galaan suuqa shaqada,โayuu yidhi Wasiir Sacad.
Kulan gogol xaadh u ah shirkan caalamiga ah oo Salaasadii lagu qabtay Nairobi waxa ka qaybgalayย Wasiirro, Xildhibaanno Baarlamaan iyo ururro kala duwan, kuwaasi oo ka mid noqon doona ergada ka qaybgali doonta ย Shirka caalamiga ah ee โkorodhka dadka iyo horumarka ee ICPD).โ