Qarax Xoogan oo laga eegtay Ciidamada Talyaaniga ee Muqdisho u joogay inay Tababaraan Ciidamada Somalia
Wararka naga soo gaadhaya Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa sheegaya inuu goor dhawayd ka dhacay Qarax xooggan oo laga maqlay inta badan Degmooyinka Muqdisho.
Qaraxan oo loo maleenayo inuu yahay mid ismiidaamin ah ayaa waxaa lala beegsaday Ciidamo ka tirsan kuwa Talyaaniga ee ku sugan Muqdisho.
Qaraxa ayaa lala eegtay kolonyo ka tirsan Ciidamada Talyaaniga oo marayey meel u dhow kuliyadda Jaalle Siyaadย oo ku taalla Jidka Warshaha.
Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya inuu gubanayo mid kamid ah Gawaadhidii ay wateen Ciidamada Talyaanigu oo kamid ah Ciidamada Midowga Yurub ee Soomaaliya u joogo inay tababar siiyaan Ciidamada Dowladda Soomaaliya.
Wixii kusoo kordha kala soco shabakada Oodwaynemedia.com