Midawga Yurub oo Mudadii u Kordhiyay Ciidamadooda Ku Sugan Biyaha Somalia iyo Somaliland
Muddo laba Sano ah ayaa loo kordhiyay Ciidamada Midowga Yurub ee howlgalka ka wada Biyaha Somaliland iyo Soomaaliya , Go’aankaasina Waxaa dhaqan geliyay Golaha Midowga Yurub.
Warbixin kasoo baxday Golaha Midowga Yurub ayaa lagu sheegay in Ciidamadooda ay Biyaha Soomaaliya iyo Somalia sii joogi doonaan ilaa 31ka Diseembar ee Sannadka 2022, Sidoo kalena Waxaa Ciidamada la faray waajibaad Cusub.
Warbixinta ayaa sidoo kale lagu cadeeyay in Ciidamadu ay qaban doonaan Shaqooyin ay kamid yihiin, la dagaalanka kalluumaysiga sharci darrada ah, daroogada, hubka iyo ka Ganacsiga dhuxusha.
Sanadkii hore ee 2020 Warbixin kasoo baxday Guddi ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in Gacanka Cadan uu kamid yahay marinada waaweyn ee lasoo marsiiyo hubka sharci darrada ah ee soo gala Soomaaliya.
Howlgalka Midowga Yurub ee Biyaha Soomaaliya iyo Somaliland ayaa bilaawday markii Xeebaha Soomaaliya ay kusoo kordheen Kooxaha Budhcad Badeeda Soomaalidu , in kastoo Sanadihii la soo dhaafay ay aad u yaraadeen.