Wefti Uu Hogaaminayao Wasiirka Warfaafinta JSL Oo Lagusoo dhaweeyay degaannada Ka Tirsan Gobolka Sool
Saleebaan Yuusuf Cali Koore wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Somaliland iyo murrashaxa Golaha Wakiillada ee gobolka Sool Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud (Faratoon) ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay degaannada Laasa-daar iyo Dhaban-saar ee gobolkaas.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore ayaa sheegay in degaankaas uu u soo socdo riig iyo aqoon yahanno ka tirsan Wasaaradda biyaha, kuwaas oo beri ka bilaabi doona qodida ceel biyood laga hirgelinayo degaanka Dhaban-saar, waxaanu Wasiirku intaas ku daray in xukuumaddu diyaar u tahay wax ka qabashada baahiyaha degaannadaas ka jira.
Sidoo kale, Prof. Yaasiin Xaaji Maxamud Xiir (Faratoon), ayaa sheegay in mashaariicda horumarineed ee degaankaas ay ka hirgelin doonaan ay yihiin kuwo dadka degaanka ay ugu soo gudbiyeen weftigaas hore, isla markaana balan-qaadkaasi noqday mid Xukuumaddu fulisay.
Ugu dambayn, qaar ka mida qaybaha kala duwan ee bulshada ku nool degaanka Dhaban-saar ee gobolka Sool, ayaa soo dhaweeyay ceelkaas loo qodi doono, waxaanay sheegeen in uu yahay mid ay baahi u qabeen bulshada ku nool degaanka Dhaban-saar iyo degaanada kale ee ku hareeraysani.