War Deg-Deg Ah Xildhibaan Toogasho Lagu Dilay Magaalada Baydhabo.

Baydhabo-(OWN)-Wararka naga soo gaadhaya magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegaya in goor dhawayd ciidamo ka tirsan Booliiska Soomaaliya toogasho ku dileen xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaanka Koonfur Galbeed.

Xildhibaanka la dilay oo lagu magacaabi jiray Cabdishakuur Yacquub ayaa dhinaca kalana ahaa guddoomiyaha guddiga Amniga Baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Dilka xildhibaanka ayaa ku soo beegamaya xili ay ka socdaan magaalada Baydhabo rabashado xoog leh oo ay dhigayaan dad ka cadheysan xadhigga Mukhtaar Rooboow, waxaana guud ahaan magaalada ka soconaya rabashado ay dhigayaan taageerayaasha Waddaadka xidhan.

Xaalada magaalada ayaa wali cakiran ciidamada ayaa la daalaa-dhacaya sidii ay u xakameyn lahaayeen rabshadaha iyo dibadbaxyada ay dhigayaan dadka oo qaarkood hub kala hortagaya ciidamada.

Wixii Hadba Ku Soo Kordha Wararka Baydhabo Kala Soco Oodweyne/News.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker