Dhegayso: Doon ay saarnaayeen ciidamo oo ku rogmatay xeebta Marka

Afar ka tirsan ciidamada dawladda Soomaaliya ayaa la la’yahay iyadoo laga cabsi qabo inay dhinteen kadib markii doon ay la socdeen ay ku qallibantay xeebta magaalada Marka.

Doonta oo ay saarnaayeen 17 askari ayaa xalay fiidkii ka baxday magaalada Muqdisho, waxayna rogmatay xilli ay ku dhoweyd magaalada Marka.

Xeebta magaalada Marka ayaa waxaa ka socda gurmad lagu baadigoobayo askarta la la’yaha, sida uu sheegay maamulka gobolka Shabeellaha Hoose.

Warkaasi oo faahfaahsan halkan hoose ka dhageyso

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker