Sarkaal Ka Tirsanaa Ciidanka Xoogga Soomaaliya Oo Lagu Dilay Muqdisho.

Muqdisho-(OWN)-Wararka ka imanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in sarkaal ka tirsan ciidamada Soomaaliya lagu dilay maanta magaalada Muqdisho.

Dilkan ayaa ka dhacay xaafadda Horseed ee degmada Waaberi, waxaana lagu bartilmaameedsaday Gaashaanle Dhexe Cabdi Maxamed Culusow oo ka tirsan ciidamada xoogga dalka.

Maleeshiyada ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda dilkaasi.

Dilkan ayaa imanaya ayada oo Al-Shabaab ay dhowaanahan sare u qaadday weerarada ay ku beegsaneyso saraakiisha ciidamada dowladda.

Al-Shabaab ayaa horey u sheegatay dilka Taliyihii qeybta 12-ka April ee ciidanka xoogga dalka Jeneral Cumar Aadan Dhabad (Cumar Dheere) iyo ku-xigeenkiisa Cabdi Cali Jamaame oo 6-dii bishan lagu dilay qarax miino

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker