Shirkadda Youtube-ka Oo War Kasoo Saartay Dagaalka Ukraine

Warbaahinta dawladda Ruushka oo la xidaday adeegsigooda Youtube-ka

Shirkadda Alphabet ee leh Youtube-ka ayaa sheegtay in ay joojin doonto lacagta ay warbaahinta Ruushka ka helaan xayesysiimaha ay youtube-ka ku sameeyaan.

Taas macnaheedu waxay ka dhignthay in Russia Today (RT) iyo kanaalada kale aysan heli doonin lacagaha xayeysiisyada YouTube ama shabakadaha iyo apps-ka ay maamusho Shirkadda Alphabet.

Shirkadda ayaa sidoo kale sheegtay in xarumahan hadda ka dib iibsan karin xayeysiisyada Google Tools, sidoo kale xayeysiisyada aysan ku dhejin karin adeegyada Google ay isticmaalaan tignoolajiyadeeda xayeysiiska si ay dakhli uga soo saaraan.

Arrintan ayaa timid ka dib markii wasiirka horumarinta teknoolajiyada ee Ukraine Mykhailo Fedorov uu sheegay inuu ka codsaday YouTube inuu joojiyo dacaayadda Ruushka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker