Dumar Soomaailyeed oo ku geeriyoday shil ka dhacay Bristol

Ugu yaraan laba dumar ah oo Soomaali ah ayaa la ogyahay inay ku dhinteen shil gaari oo ka dhacay meel u dhow magaalada Bristol ee UK. Shilka ayaa ka dhacay xalay habeen- barkii waddada M4 oo waddo halbowle ah.

Waxaa kaloo ku dhaawacmay shilkaas seddex dumar ah oo mid ka mid ah ay xaaladdeedu liidato.

Ilaa hadda maamulka Bristol iyo Booliska faahfaahin badan ma aysan soo saarin, waxaase la sheegay in baaritaan uu socdo. Mid ka mid ah booliska Avon & Somerset wuxuu yiri “saraakiisha halkaa tegey waxay arkeen in labada gaariba ay waddada ka bexeen, waxaana jira tiro khasaare ah”.

Qayb ka mid ah waddadaas ayaa ilaa hadda xiran, waxaana la sheegayaa in gaariga ay dumarku saarnaayeen iyo gaari kale ay isku dheceen, ka dibna ay labaduba gaddoomeen.

Haweenkaas dhibaatadu ka soo gaartay ayaa dib ugu soo laabanayey magaalada Bristol ayagoo ka yimid xaflad aroos oo ka dhacday gobolka Wales. Weli nooma suurto gelin in aan wax badan ka ogaanno khasaaraha soo gaaray dadkii saarnaa gaariga kale.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker