Ardeyda manhajka cusub ee Kenya oo sidooda kusii wadanaya waxbarashada
Ardayda wax ku baranaysay manhajka cusub ee dalka Kenya ee haatan uun dhamaysatay lixda fasal ee dugsiga hoose, ayaa la shaaciyay inay sii wadan doonaan waxbarashada dugsiga hoose.
Warbixin ka soo baxday madaxtooyada dowladda Kenya, ayaa ku tala bixisay in imtixaanaadkii dhawaan laga qaaday ardayda fasalka lixaad, aanan loo isticmaali doonin in looggu gudbo wajiga koowaad ee dugsiga sare.
Taa badelkeedana waxaa imtixaankaas loo isticmaali doonaa in lagula socdo horumarka dhanka waxbarashada ee ardaydu samaynayaan.
Sidoo kale imtixaankan, ayaa ardayda talooyinka la siinayo lagu jaan goyn doonnaa waxa ay u baahan yihiin.