Hoggaamiyaha Daacish oo sheegay in Mareykanka lagu jabiyey dalal ay ka mid tahay Somalia

Muqdisho (own) – Hoggaamiyaha guud ee ururka Daacish, Abuubakar Al-Baqdaadi oo soo duubay cod maqal ah ayaa ka hadlay howlgalladdii ugu dambeeyey ee ay kooxdu ka fulisay wadama dhowr ah oo ay ku jirto Soomaaliya.

Al-Baqdaadi ayaa inta badan khudbaddiisa diirada kuu saaray dagaalka ay kula jiraan dalalka reer Galbeedka, gaar ahaan Mareykanka.

 

Hoggaamiyaha ayaa sheegay in Mareykanka lagu jabiyey dalalka Somalia, Afghanistan, Pakistan, Iraq bartamaha Afrika, bariga Aasiya iyo waqooyiga Yemen.

Waxa kale uu sheegay in kooxdiisu ay sii xoogeysaneyso islamarkaana ay guullo ka soo hoysay dagaalladii ugu dambeeyey, sida uu hadalka u dhigay.

 

Dhowan warbixin ka soo baxday Congress-ka Mareykanka ayaa lagu sheegay in awooda Daacish ay ku sii xoogeysnyeso dalalka Syria iyo Iraq.

Kooxda Daacish faraceeda Soomaaliya ayaa ku xoogan dhulka buuraleyda ee Puntland, gaar ahaan gobolka Bari ee maamulkaasi.

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker