Diyaarad ay Lee dahay Shirkada Flydubai Oo Laga Celiyay In Ay Garoonka Hargeysa Ku Degto

Diyaaradda Flydubai ee laga leeyahay Dalka Imaaraadka Carabta ayaa saaka Subixii hore laga celiyay in ay cago-dhigato garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa.

 

Flydubai ayaa Qorshaynaysay in ay rakaab keento Gegeda Cigaal International Airport halka kuwo kalena ay ka qaadi lahayd.

 

Ilo xog-ogaal ah ayaa warbaahinta Oodwaynemedia u Xaqiijiyay in rakaabka ay diyaaraddu kula noqotay magaalada Dubai, kadib Markii Loo Diiday inay Degto.

 

Arintan ayaa imanaysa xili dawladda Soomaaliya ay hakisay duulimaadyada caalamiga ah ee dalkeeda yimaada, balse Somaliland may joojin duulimaadyada Imaaraadka.

Xukuumadda Somaliland wali kamay hadal arintan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker