Siyaasiyiinta Ka Soo Jeeda Somaliland oo baaq u diray Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya

Siyaasiyiinta ka soo jeeda Somaliland ee ku sugan Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Guddoomiyaha Aqalka Sarre Cabdi Xaashi Cabdillaahi, ayaa baaq u diray Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, iyo Madaxda Maamul Goboleedyada Soomaaliya oo maanta shir ku yeeshay magaalada Muqdisho.

Siyaasiyiintan, ayaa Madasha Wadatashiga Soomaaliya ka codsaday inay gacan ka gaystaan xal u helidda khilaafka weli ka taagan guddiga doorashooyinka Xildhibaanada ka soo jeeda Somaliland, oo laba garab u kala jabay, islamarkaana kala doortay laba hoggaan oo kala raacsan Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo Ra’iisal Wasaare Ku Xigeenka.

Waxaa ay Siyaasiyiintani soo jeediyeen afar qodob oo xal u noqon kara khilaafkan, balse ma cadda haddii ay jirto cid dhageysaneysay, kadib markii ra’iisal wasaaraha Soomaaliya uu si cad ula saftay garabka Ra’iisal Wasaare Ku Xigeenka, sheegayna in khilaafkan la soo xidhay.

Hoos ka akhriso qoraalka ka soo baxay Siyaasiyiinta ka soo jeeda Somaliland

 

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker