Waxa aanu Yurub uga baxnay

Waxaa jira waddamo aan Irbad daloolin karin haday sameeyaanba oo Yurub nala
sheegta, marka faraha loo subkona dhinaca cadowgaya kala soo jeesta weji
cawlan iyo madaxyo yaryar, waxaanu alifney, Mishiin Cadaadis ku
shaqeeya, Tareen biro isi saran ah, dabadeedna waxaanu hindisney
Shaagga iyo baaskeeladda, iyadoo aan cidina aqoon waxaannu samaynay
Teleskoob, wershadaha birta iyo dharka,daasadaha cuntada lagu
gasacadeeyo,weel aan daxalaysan sida malqacad widhwidhaysa, jokolayt
iyo burushkii cadayga, guluub iyo janareetar, telegaraam, telefoon iyo
telefishan, talaagad iyo falaas, sibidh iyo
xagaaf, kabriid, kildhi laydh ku shaqeeya iyo dab damis, taangi iyo
diyaarad dagaal oo aan hangagaarayn, mishiinka lacagta lagala baxo,
injiinka jetka iyo doonyo badda iyo berigaba mara, dawada caabuqa,
laba noole oo isku mid ah, www aad iminka igala socotid. Waxaanu
hindisney…xagay joogeen iyagu?.

Adduunkii wuxuu noqday isii aad qaadatide, Hindiya ayaanu weydiisanay
inay Alaabta aanu samayno inay wax naga qaataan, iyana waxay
yidhaahdeen Fiisaha noo fududeeya, Maraykankii ilmaadeeradayo ayaan
laysku halayn karayn, yeelkeed, hadaan Beni noo kordhayn, waxaanu
doonaynaa in aanu gooni ugu shaqo tagno awooddayada ciidan, farsamo
iyo kasbashadii lagu yiqiin Biritishka, ma la socotaa in madadaalada
( heesaha,filimada,barnaamijyada iyo ciyaarista kambutarka) qudha
suuqeedu marayo £70 bn sanadkii.

Dhaqanka ayaa dadkii kala kexeeyey, yurub ayuun baa nalagu wada sheegaaye,
haddaanu xaggooda tagno koob shaaha oo caddays ah ka heli maysid, Y-da markay
maqleen bay nagu soo qamaameen sidii Geel milix loo dhigay, kaaga
darane suuqa ayay isku dhunkanayaan, sugi kari maayaan inta ay
gurigooda ka gaadhayaan, kuwo aanu shaqo siinay bownka ayuun bay u
sarifaan lacagtooda, badankoodii waxay diideen inay guryo kiraystaan,
waxay ka door bideen inay isteeshinada Tareenada iyo Basaska
seexdaan, qaarna sariir bay sadex ku kiraysteen, waxay qaarkood shaqo
ka dhigteen tuugo iyo jeeb baadhasho, lama yaabno markay reer Hong
kong yidhaahdaan waanu iska indho yaryar nahaye shiinaha habeen ma
wadaagno, waa waxa kala haysta Somalilaan iyo
Soomaaliya.

Anaga oo soo xukunay adduunka intiisa badan, yurub xoraynay laba goor,
anaga oo aduunku isku fahmo afkayaga, waxay damceen in Buruselis nalooga soo
yeedhiyo sharciyada aanu isku maamulayno, hadaanu odhan lahayn ka daaya, cod
wax diida ma lihin, habro la daaqa faransiisku waa nin naago wadaan,
waxaa nalagu saliday Islaan yaroo shuuciyad ahaan jirtey,
mabda’ayagaba dhowaan qaadatay, waa habartan ruxanta markay muusigii
naasiga maqasho, waxay wadataa yamyam iyo qadaad weyn arrinkoodu yahay
dhaameel. Wadamada adduunka waxaanu
garoomaddooda diyaaradaha iyo dekedaha ku lahaan jirney dar gooniya oo
aanu ka fullo, iminkana waxay nagu dareen kuwo yurub lagu sheegay oo
markay afkayaga jejebinayaan la moodo inay dhego la’yihiin.

Wax badan bay islaantaasi Oodda iyo Webigaba na jiidhsiisay, in badan bay
gacanta na maroojisey oo intay qadaadka gacanta naga saartay afka ciidda
noo gelisey, wax badan bay intay dadka isugu yeedhay ay aduunka hortiisa
nagu fadeexadisay ,ilayn nin dumar legday lagama kaco, maraa waaxid
dooni mayno in aanu isu baasaboor ekaano yaryarkaa iminka miiska sidii
rag usoo fadhiisanaya intay suudhkayagii soo gashadeen nagu
dherersanaya, kaayagii Badda u ekaa baanu boodhka ka afuufaynaa. Wax
badan baanu nidhi caadi ma nihine
labada Cad, Cad ha naloogu daro. ‘ In aan haatan kala qaadanaa Qaadir
soo rogaye, Qatadeeni kala laasanay iyo qulubki shaydaane, waaryaadha
kala quusanaye qoomamo la’aada ‘ Abwaan Faarax Nuur. qaar kale ka filo
Oodda halkaanu banaynay.

Allaylehe bagaa loo casiley way is cajibiyeene,
Cidba nimaan ka dhalan oo horweyn cawdhsadaan nacay,
Gabaygii Habbis ee Abwaan Maxamuud Daalin.

Bashiir Tarabbi Oogle,
bogleh69@gmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker