Muuqaalkooda sare markaad dheehato ma moodaa muuminiin dhaba?

Nimanka Alshabaab la baxay ee maatada isku qarxiya ayaa waxay caado u leeyihiin inay majarahabaabiyaan carruurro yar yar oo caydiya kaddibna ay u adeegsadaan qaraxyada, iyana xagga danbe ay fariistaan oo ka daawadaan.

Gabayaagii Ismaaciil Mirre ayaa laga hayaa: Mid kuwaa ka dhigan baan arkoo kibis u laabneyn!

Iminka, waxaynu dhawaannahan war-baahinta ka daawanaynay niman gadh-bilaashlayaal ah oo suldaanmo iyo boqorro sheeganaya oo hanjabaad iyo goodi isu marinaya war-baahinta, iyagoo hurinaya oo calanka u sida colaad sokeeye. Madax-dhaqameedkaas oo mid walba dhankiisa ku doodayo inuu xaqa ku taaganyey oo laga gardaranyey.

Haddaba su’aashu waxay tahay, hadday xaq ku dagaalamayaan siday ku doodayaan oo ay jannada halabsanayaan, maxay shakhsi ahaan dagaal xagga hore uga geli waayeen oo ay qoriga u qaadan waayeen illeyn jannaduba halkaas ayey ka dhawdee! Intay inamo yar yar oo jaahiliina oo murqaansan oo cilmi diineed iyo mid maadiba aan lahayn ay qoriga isugu dhiibayaan, iyana ay ku raaxaysanayaan hudheellada waaweyn ee Hargeysa.

Waar adeerrayaal masaakiintaa ifkay ku dhibban yihiin ee Cadaab aakhirana ha ugu darina.

Hadda nimankaas madax-dhaqameedada ah ee colaada sokeeye ku baaqaya, safka hore ayey misaajidada ka galaan, muuqaalkooda sare markaad aragtana waxaad moodaysaa muuminiin dhaba. Maxaad se kaga daali sow Diintu inoomay sheegin oo munaafaqiintuba misaajidada safka hore kama galaan.

Iyaba waa yaab kalee, madax-dhaqameedkaas waxaa la mida qaar qurbe-joogta ka mida oo waddamadan reer Galbeedka caydha ka qaata oo goor iyo aleyl u tafo-xaydan inay dab qabadsiiyaan masaakiintii waddanka gudahiisa ay kaga yimaadeen ee duruufaha la kufaa kacayey. Iyagoo qurbe-joogtaas naaro afuufka ahi ay colaada ka huriyaan social media iyo telefoono ay waddankii u diraan. Hadda bal qabsoo sidoo kale midkoodna diyaar uma aha inuu waddankii u dhoofo oo uu qoriga qaato. Hase- yeeshee nin walba waa heli doonaa wuxuu dhitaystay, ama ifka ha ku helo ama aakhiro ha ugu tagee.

Rasuulkeennii suubbanaaa (csw) wuxuu xadiis saxeexa ku yidhi: fidnadu wey hurudaa, kii kiciyana nacladi ha ku dhacdo.

Allaahna agtiisa qof Muslima oo dhiigiisa la daadiyo waxaa kala weyn dunidoo dhan oo rogmata.

Bal ninka colaadaas sokeeye ku dhintaa muxuu Alle la hor tagi, ma wallaalahay Biciide iyo Sacad Yoonis ayaan soodhka u sitay sidaan dhegta dhiiga ugu daro miyaa?

Wallaalayaal, beel ka adkaan kartaa beel kale ma jirto. Taasna waxaa daliil u ah sooyaalka ka sakow Soomaali soddonkii sanno ee u danbeeyey waa dagaalamaysay haddana lama hayo dhab ahaan reer reer ka adkaaday oo tir tiray, illeyn dagaalku wuu is-taagi lahaa haddii taasi dhaci lahaydee. Waxaa laga dhaxlaa oo keliya curado la iska laayo, hooyooyin goblama, dib-u-dhac, gaajo, harraad iyo balaayo iyo baas oo dhan.

Waddankeenna Somaliland, wax kasta oo wanaaga oo uu ku faano waxaa hooyo iyo aabbo u ah nabadaas aynu ku naaloonaynay dhawr iyo labaatankii sanno ee u danbeeyey. Ciddii nabadaas wax yeelleysana, karis xun iyana wax ku la’.

Iska hubiya aakhirana waa lama huraantiiyee.

Newport, UK

Abdirasaq@live.co.uk

C/risaaq Maxamuud (Baynax)

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker