Donald Trump oo mar kale kusoo noqday fagaarayaasha ay ku kulanto Baraha bulshadada

Milkiilaha cusub ee shirkadda xiriirta baraha bulshada ee Twitter-ka, Elon Musk, ayaa sheegay in Madaxweynihii hore ee Mareykanka, Donald Trump, dib looggu soo celiyay akoonkiisa, kadib markii uu sameeyay rayi ururin ay ka qeyb qaateen isticmaalayaasha barta,kuwaasoo taageeray tallaabada uu qaaday

“Dadku way soo gudbiyeen rayigooda,” ayuu Musk kusoo qoray bartiisa Twitter-ka, isagoo sheegay in 51.8%, oo u dhiganta in ka badan 15 milyan oo isticmaaleyaasha Twitter ah ay u codeeyeen in xayiraadda lagga qaado Trump.

Laakiin madaxweynihii hore ee Mareykanka, ayaa laga yaabaa inuusan ku soo laaban madasha, isagoo mar hore yiri: “Ma jirto wax sabab ah, oo aan dib ugu soo noqdo”.

Akoonkiisa ayaa la hakiyay sanadkii 2021-kii, sababo la xiriira khatarta hurin rabshado iyo naceyb.

Maamulkii hore ee Twitter-ka, ayaa qaadey tallaabo maalmo uun ka dib, markii taageerayaasha Donald Trump ay weerareen Aqalka Capitol ee Mareykanka ee Washington DC 6-diibishii Janaayo.

Dad boqolaal gaaraya ayaa rabshado ka sameeyey gudaha xarunta, iyadoo Congress-ka Mareykanka uu isku dayayay inuu caddeeyo guushii Joe Biden ee doorashadii madaxtinimada.

Rabshadahaas ayaa sababay dhimashada afar qof oo rayid ah, iyo askari booliis ah.

Wax yar ka dib rabshadahaasi, Donald Trump, ayaa sidoo kale laga joojiyay akoonnada Facebook-ga, Instagram-ka iyo Youtube-ka, kuwaasoo dhammaan lahaa tobanaan milyan oo taageerayaal ah.

Dhowr bilood ka dib, ayaa wuxuu bilaabay bartiisa bulshada, Truth Social.

Horraantii todobaadkan, xisbiga Jamhuuriga, ayaa ku dhawaaqay inuu mar kale u tartami doono madaxtinimada Mareykanka sanadka 2024-ka.

Musk, oo ah ninka ugu taajirsan adduunka, ayaa la wareegay maamulka Twitter-ka bishii Oktoobar heshiis dhan $44bn (£37bn).

Waxa uu isla markiiba bilaabay isbeddello is-daba-joog ah oo ka dhex-dhashay bahda warbaahinta bulshada, iyada oo laga walaacsan yahay inuu dabciyo xeerarka Twitter-ka ee ku aaddan hadalada nacaybka iyo macluumaadka khaldan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker