Tirada dadka dunida ku nool oo gaartay 8 bilyan oo qof

Dadka adduunka ayaa Talaadadii gaaray 8 bilyan oo qof, sida laga soo xigtay saadaasha Qaramada Midoobay, iyadoo kobaca dadka intiisa badan uu ka yimid waddamada soo koraya ee Afrika.

Waxaa ka mid ah Nigeria, halkaas oo kheyraadku horeyba ilaa xadka uu u xaddidnaa.

In ka badan 15 milyan oo qof oo ku nool magaalada Lagos ayaa ku tartamaya wax kasta oo ay ku jiraan korontada sida ay nal ugu helaan guryahooda iyo sidoo kale gaadiidka dadweynaha sida basaska la raaco.

Qaar ka mid ah carruurta Nigeria ayaa u ambabaxay Iskuulladd shanta subaxnimo.

Soddonka sano ee soo socdana, dadka ku nool dalka ku yaal Galbeedka Afrika ayaa la filayaa inay intaas ka sii kordhaan, kuwaas oo tiradoodu ay hadda tahay 216 milyan, isla markaana gaari doona 375 milyan, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Taasi waxay Nigeria keeni doontaa kaalinta saddexaad ee uu hadda Maraykanku ku jiro, iyaga oo ka hooseyn doona Hindiya iyo Shiinaha.

“Waxaan durbaba si xad dhaaf ah u ballaarineyna waxa aan haysanno – guryaha, waddooyinka, isbitaallada, iyo iskuullada. Wax walba waa la ballaarinaa,” ayuu yiri Gyang Dalyop, oo ah lataliyaha qorsheynta magaalooyinka iyo horumarinta Nigeria.

Qaramada Midoobay ayaa dalalka kale ee Afrikaanka ah ee dadkoodu kobcayo ku sheegtay Congo, Ethiopia iyo Tanzania.

Waxay saadaashu intaas ku dartay in dadka dunidu ay gaari doonaan ilaa 8.5 bilyan sanadka 2030, 9.7 bilyan 2050 iyo 10.4 bilyan sanadka 2100.

Waddamada kale ee liiskan ee sida xawliga ah u koraya ayaa kala ah Masar, Pakistan, Filibiin iyo Hindiya, kuwaas oo lagu wado in sanadka soo socda uu kobocoodu dhaafo Shiinaha oo ah waddanka ugu dadka badan adduunka.

Warbixinta Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in dadka Mareykanka ee hadda jooga ay gaarayaan 337 milyan, iyagoo gaari doona 375 milyan sanadka 2050. Heerka kobaca dadweynaha Mareykanka ee 2021 wuxuu ahaa 0.1% kaliya, waana tii ugu hooseysay tan iyo markii la aasaasay Mareykanka.

 

AP.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker