Wafti uu Hogaaminaayo Waasiirka Wasaaradda Gaadiidk iyo Horumarinta Jidadka oo ay xubno ka yihiin Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqafta,
Maareeyaha Wakaaladda Harumarinta Wadooyinka,
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Guddiga gacanta ku haysa dhismaha wadadaasi ayaa kor-meeray deegaamada ay ka socdaan shaqada dhismaha wadadaasi.
Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland Md. Cabdillaahi Abokor Cismaan oo goobta hadal ka jeediyey, ayaa ugu horayn Ilaahay (SWT) uga mahadceliyey waxkasta oo qabsoomay, isagoo marka xigana u mahadnaqay Guddida gacanta ku haysa dhismaha waddada Hargeysa ilaa
Balli-gubadle oo uu xusay inay dedaal xoogan muujiyeen.
“Xilka iyo waajibaadka waddadan waxa iska leh dowladda, waxa aad nagu kordhisaan waa taageero, waajibaadkayagii ayaad qayb ka qaadanaysaan,
markaa, markaa waxa aan jecelahay in aan mar labaad iyo mar saddexaadba idiin mahadceliyo, ninka aan ummaddiisa u mahadnaqina Ilaahay uma
mahadnaqo.
Marka labaadna waxa aan halkan mahadnaq aan la soo koobi karin uga jeedinayaa shaqaale-weynaha Hay’adda Horumarinta Waddooyinka,
haddii ay noqoto dirawaliinta, maamulka iyo farsamo-yaqaannada injineerada ah ee halkan jooga oo aan isleeyahay la’aantood maanta farxaddaas aan isugu nimid suurtogal may noqoteen, iyagana ayaana farxaddaas inoo
suurtogeliyey,
Waxaanan Ilaahay ka rajaynaynaa inuu miisaanka xasannaadka idiinku daro, anagana waad na xil-furateen ee in aad maalinsan abaalkayaga
heshaan, laakiin fulinta rasmiga ah waxa leh qolooyinka farsamo-yaqaannada oo ay ugu horeeyaan injineerradu oo ay ku xigeen injineerrada goobta (siteengineers) oo ay ku xigeen dirawaliintu oo ay ku xigaan hawl-fuliyeyaashu,
Dhammaantoodna waxay innaga mudan yihiin in aynu u mahadcelino, anaguna mahaddaas ma nihin ee waxa iska leh shaqaalayahaga, waxaanan
jecelahay in shahaado-sharaftii la na siiyey aannu u hibayno shaqaalayaga Hay’adda Horumarinta Waddooyinka,” ayuu yidhi Wasiirku.
Waxaannu intaas ku daray; “Waxkasta oo la bilaabo way dhammaadaan oo aniga maanta hammi labaad ayaa i galay oo ah waxaynu samaynay aasaaskii hoose ee waddada (basement),
Waxaanna imminka inoo hadhay qaybtii waddada laamida ahayd, markaa hammigayagu waxa uu noqonayaa bal in
aynu taasna ka fikirno, qorshahana aynu gelino oo aannu hammigeennu noqon uun in aynu dhisno waddo jid-cadde ah, laakiin hammigeennu noqdo
sidii ay waddadaasi u noqon lahayd waddo rasmi ah oo dhammaystiran.
Waddadu faa’iidooyin badan ayey leedahay oo mid dhaqaale ayey leedahay,mid degaanna way leedahay oo maanta waddada halkaas laga dhiso waxay
ilaalinaysaa biyaha soconayey oo waxay ilaalinaysaa degaanka, waxayna dib u noolaynaysaa dhulkii dhintay, sababtoo ah waddadan la marayo waxay
dhulka ka kaxaysaa biyaha oo marka toban waddo la iska dhinac dhiso biyahaasi way tagaan, laakiin waddadani biyaha ka kaxayn mayso ee way
qabanaysaa. Waxa kaloo ay sare u qaadaysaa noloshii bani’aadamka.”
Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka, ayaa sidoo kale sheegay in la qorshaynayo sidii looga wada shaqayn lahaa in waddada Hargeysa ilaa Balligubadle ay noqoto waddo casri ah oo laga dhigo laami roog ah, isagoo Guddida kula dardaarmay inay maanka ku hayaan in hawshii ugu
muhiimsanayd ay hadda u bilaabantay, iskuna diyaariyaan dhismaha qaybta laamida ah ee waddadan oo uu xusay in dhaqaalaha ugu badan ku baxayo.
Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed oo
hadal ka jeediyey goobta ay ka socoto dhismaha waddada Hargeysa ilaa Balligubadle, ayaa sheegay inuu si xooggan ugu mahadnaqayo masuuliyiinta
Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka,
Wakaaladda Horumarinta
Waddooyinka iyo cidkasta oo gacan ka gaysatay dhismaha waddada Balli Gubadle

Back to top button