Wadahadallada Soomaalida ee Jabuuti ka furmaya: “Muruqa laba suulle ninba si ku ah”

Waxa berrito oo taariikhdu tahay 14/06/2020 lagu wadaa in magaalada Jabuuti uu ka furmo shir lagu dhexdhexaadinayo Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed iyo maamulka Somaliland. Ugu horrayn waxaan soo dhoweynayaa “mabda ahaan” in dadka Soomaaliyeed khilaafyada dhexdooda ah ku dhammaystaan wadahadal. Tan labaad, wadahadalkaasi waxaan jeclaan lahaa ama ila qurux badnaan lahayd inuu iyaga dhexdooda ku koobnaado oo dalka gudihiisana ka dhaco. Haddiise laga maarmi waayey in la dhexdhexaadiyo waa arrin la liqi karo oo duruufo keeneen. Tan saddexaadna haddiiba meel iyaga ka baxsan kulanku ka dhacayo waxaan qabaa Jabuuti inay tahay meeshii ugu habboonayd ee Sooaaliyi khilaafkeeda la aaddi lahayd.

Haddaba, waxa is weydiin leh laba su’aalood:-

1) Maxaa laga filan karaa kulankan?

2) Sidee natiijada shirkani u saamaynaysaa guud ahaan Soomaalida, gaar ahaan gobollada waqooyi dadka deggan ee midmimada Soomaalida aamminsan?

Intaanan u gelin jawaabahan bal aan dib u milicsanno sida shirkan Jabuuti labada dhinac ee kulmayaa ugu soo diyaar garoobeen, iyo sida siyaasiyiintan is hor fadhiisanaysaa ay bulshada ay metelaadooda kala sheeganayaan xogta shirkan ula wadaageen gaar ahaan degaannada ay sida gaarka ah u taabanayso. Aan ku horreeyo dhanka maamulka Somaliland; MW Biixi wuxuu toddobaad gudihiis gobolka Sool isaga soo daba diray laba wasiir oo degaanka ka soo jeeda, waa wasiir Saleebaan Y C.Koore iyo wasiir Faratoon iyo weliba agaasimaha madaxtooyada Somaliland Maxammed Cali Bile oo reer “Hargeysa ah” isaga oo ujeedada loogu soo lammaaniyey ahayd si uu u hubiyo in wasiiraddii “reer Sool” farriintii Hargeysa laga soo faray gaadhsiiyeen dadka gobolka Sool. Wasiirrada iyo agaasimaha waxa loo soo diray inay reer Sool kusoo qanciyaan inay taageeraan shirka Jabuuti in Somaliland ku metesho, raallina ay sidaa ku yihiin.

Tallaabada kale ee Biixi qaaday  waxay ahayd inuu shirka ka hor wadatashi ugu yeedhay xisbiyada mucaaradka ah ee Wadani iyo UCID. Tallaabada saddexaad ee Muuse Biixi qaaday waxay tahay in ergada uu kaxaysanayo uu u ekeysiiyey  inay metelaan dhammaan “beelaha deggan Somaliland”.

Bal aan haddaba dhuganno diyaargarowgii Villa Somalia, iyo ergada MW Farmaajo shirka Jabuuti la tegayo. MW Farmaajo arrintan wadatashi qaran oo u dhigma kan Muuse Biixi muu gelin arrinkan. Sida la ii xaqiijiyey MW Farmaajo lama uu tashan xildhibaannadii degaannada sida gaarka ah arrintan wadahadalku u taabanayso, sidoo kale lama uu tashan xisabiyada mucaaradka iyo maamullada dalka ka jira toonna. Waxa intaa dheer inaanu ergadiisa ku darin dad ka soo jeeda gobollada waqooyi ee laga wadahlayo aayahooda. Madaxdhaqameedka reer waqooyi ee midnimada aamminsanna hadalkoodaba daa. Tani waxay ku tusaysaa in Villa Somalia qaadatay dalabkii Somaliland muddada ku taameysey ee haa “wadahadallada dhanka Soomaaliya kama imaan karaan dad reer waqooyi ahi!”

Aan dib ugu noqdo jawaabaha labadii su’aalood.

1) Maxaa laga filan karaa kulankan?

  Marka la eego diyaargarowga kulanka, iyo ergada labada dhinac waxaa kuu soo baxaya in dhanka Somaliland ergadoodu ay diyaar u yihiin wadaxaajood aadna ugu soo diyaar garoobeen, marka laga eego siday dadkooda u soo wargeliyeen iyo metelaadda ergada ay la gole yimaaddeen oo u eg ergo “loo dhan yahay”. Waxa kale oo la qiyaasayaa in garta ay golaha la imaanayaan ay tahay mid la soo rogrogay. Dhanka federaalkase waxa xaalkoodu u egyahay “gole-ka-fuul” iyo hadba wixii inta meesha tagtay maskaxdooda ku soo dhaca. Waxa muhiim ah oo wadahadalka doorweyn ka qaadanaya laba arrimood oo kale; a) Waqtiga wadahadalladu ku soo aadeen b) Ergada shisheeyaha (beesha caalamka). Waa tan koowaade, wadahadalladu waxay ku soo aadeen waqti ay dhowdahay inuu xilkii kasii dhammaanayo xukuumadda federaalka doorashona la filayo in loo qalabqaadanayo. Arrintani waxay fursad ama caqabad midkood ku noqonaysaa MW Farmaajo oo la filayo inuu u tartamo madaxweynaha federaalka.

Dhanka fursadda waxay ugu noqon kartaa inuu wadahadalkan u isticmaalo fursad uu ku qurxiyo muuqaalkiisa oo ummadda Somaaliyeed isu tuso madaxweyne u diyaar ah inuu wadahadal ku dhammeeyo khilaafkii waqooyi iyo koonfur. Si uu taa u gaadho, una hanto kalsoonida xildhibaannada reer Togdheer iyo Waqooyi-Galbeed waa inuu debcsanaan badan muujiyaa oo wax badan uga tanaasulaa Muuse Biixi. Waxyaalaha la saadaalin karo inuu ka tanaasulayo imminkana sanaasaankoodu muuqdo (marka la eego ergada labada dhinac) waxa ugu weyn in gobollada Sool, Sanaag iyo Awdal uu faraha uga qaado inay hoostagaan Somaliland oo loo wadahadlo koonfur iyo waqooyi sidii gumeysigu Soomaali u kala qoqobay xornimada ka hor. Haddiise MW Farmaajo uu aqbali waayo inuu ka tanaasulo gobollada waqooyi ee midnimada u taagan, waxa suurtoobi karaysa inuu waayo xildhibaannada Togdheer iyo Waqooyi-Galbeed. Waxa kale oo laga yaabaa in hadda MW Farmaajo aanu xisaabta ku darsan hadduu Sool iyo Sanaag u sadqeeyo Muuse Biixi in doorashada soosocota uu waayayo codadka Sool iyo Sanaag, iyo weliba codadka Puntland oo dhan! Iyo weliba codadka Soomaali badan oo midnimadu qiimo ugu fadhido.

Tan labaad ee ah Ergada shisheeyaha iyo saamayntooda kulanka. Horta sida la soo werinayo kulankan waxa dabada ka riixaya dawladda Maraykanka, waxana ku labeeya Midowga Yurub. Qolyahan beesha caalamku Soomaaliya waxa kaga xidhan saddex arrimood ayaa ugu weyn @) Nabadgelyada @) Dano dhaqaale @) Iyo dano Juqraafi-siyaasadeed. Waxa aynu la soconnaa in Maraykanka doorasho foodda inagu soo hayso. Dawladaha dimuqraadiga ahina ee doorashiiyinku ka dhacaan badanaa waxay jecelyihiin “natiijo degdeg ah” oo ay ku manno sheegtaan dadkoodana ka gadaan. Donald Trump wuxuu heshiis hordhac ah ka dhex sameeyey Daalibaan iyo dawladda Afqaanistaan. Wuxuu heshiis hordhac ah mar la gaadhey Waqooyiga Kuuriya oo uu weliba la kulmay hoggaamiyahooda. Imminka hadduu Soomaaliya dibuheshiinteeda natiijo ka gaadho waa fursad uu caalamka iyo dadkiisaba ka gadi karayo. Dibuheshiinta Soomaaliyana waxay u saamaxaysaa inuu danihiisa dhaqaale iyo Juqraafi-Siyaasadeedba ka fushan karo heshiiska dabadeed. Yurubna tartankaas ayay qayb ka tahay oo ku jirtaa.

  2) Sidee natiijada shirkani u saamaynaysaa guud ahaan Soomaalida, gaar ahaan gobollada waqooyi dadka deggan ee midmimada Soomaalida aamminsan?

Saamayntu waxay ku xidhan tahay, hadba waxa laga wadahadlo iyo natiijada ka soo baxdaa waxay noqon doonto. Sida muuqata kulankani ma noqon karayo kii natiijada kama danbaysta ah lagu gaadhi lahaa. Waxase kulankani u ekaan karayaa in dano la isweydaarsanayo. Tusaale ahaan dhanka MW Biixi, waxa uu Jabuuti kala dheelman karaa laba qodob oo guul u noqon karaya; A) Waa in lagu heshiiyaa wixii maanta ka danbeeya in wadahadalladu noqdaan koonfur iyo waqooyi. Taas oo micnaheedu yahay in dhammaan gobollada waqooyi looga tanaasulo in Somaliland ay metesho dhanka wadahadallada inta go’aan laga gaadhayo ama lagu wada joogo ama lagu kala tago. B) Iyo in Somaliland loo ogolaado inaan mucaawimooyinka adduunka iyo mashaariicdeeda aan laga carqaladayn ee loo madaxbanneeyo loona fududeeyo deeqaha caalamka. Dhanka MW Farmaajo, waxa uu kala dheelman karayaa; A) Inuu ummadda Soomaaliyeed iyo caalamkaba u tuso inuu yahay nin nabadeed oo u diyaar ah inuu dhammeeyo khilaafka soddon jirka kudhow ee koonfur iyo waqooyi. Weliba inuu doorashada soo socota dib loogu dhigo ayuu marmarsiinyo uga dhigan karayaa isagoo ku andacoonaya wadahaddaladan waxa ku xidhan masiirkii ummadda Soomaaliyeed, sidaa daraadeed waxa habboon inaan dhammayno inta aan xafiiska joogo ee fursad ha la ii siiyo arrinkaas. B) Wuxuu kaloo sidaan hore u sheegnay MW Farmaajo kulankan kala dheelman karaa, waa hadduu debec u sameeyo Muuse Biixiye, inuu kasbado kalsoonida xildhibaanada Togdheer iyo Waqooyi-galbeed ee xilliga soosocda ka soo bixi doona gobolladaas. Arrinkan xildhibaannada iyo xulistooda waxa kala qayb qaadan kara Muuse Biixi (waa haddii wax la kala beddeshee) oo Xamar usoo xuli doona xildhibaannadii Somaliland u meteli lahaa.

Arrinka ugu danbeeyaa waa saamaynta u gaarka ah dadka gobollada waqooyi deggan ee midnimada aamminsan. Natiijada shirkani iyo guud ahaanba wadahadalka Somaliland iyo Soomaaliya waxay si gaar ah u taabanaysaa gobolladan. Wadahadalku wuxuu taabanayaa; a) dalkaygu magicii? b) waa halkee xuduudkaygu? c) dhalashadaydu ama baadisoocdayda jinsiyaddu magaceed? Saddexdan arrimood ee aan sheegay waa mid u khaasa reer waqooyiga midnimada aamminsan. Dadka gobolladani iyagoo soo taagan ma aqbalayaan in jinsiyaddooda, xuduudahooda iyo dalkooda magiciisa la beddelo oo weliba qof Soomaali ah oo iyaga la mid ahi isku dayo inuu beddelo. Qofka Bay, Hiiraan, Mudug, Banaadir ama Bari ama gobollada kale ee Soomaaliyeed ka soo jeeda duruuftan oo kale ma haysato. Waxa xaqiiqo ah in Muuse Biixi oo gobolladani aanay rabin inuu isagu rabo iyaga, garanayona qaddiyaddiisa muhiimadda ay u leeyihiin. Waxase nasiib darro ah, in madaxweynihii midnimada dadkani soddonka sano u dhimanayeen metelayey ee u dhaartay, dadka       degaannadanina taageersanaayeen ee ay wax walba u seegeen uu iska indha tirayo una gacangelinyo kii ay soddonka sano diidanaayeen.

Waxaan hadalka kusoo afmeerayaa, waa in dadka reer Waqooyi ee midnimada Soomaaliya aamminsani, iyo intii kale ee ay damqayso xaqdarrada dadkaasi dawladdii meteleysay ka gelayso ay si wadajir ah arrinkan uga falceliyaan, ogaadaanna in madaxweynihii ay masiirkooda ku aammineen inuu iyagii dhabarka ka toogtay.

Maxamuud Ibrahim (Xaaji)

dalmarbilaal@gmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker