Dawladaha Somalia iyo Shiinaha oo wali U Xusul-duubaya sidii ay u Wiiqi lahaayeen Xidhiidhka Dhexmaray Somaliland iyo Thaiwand

Muqdisho (OWN) – Dowladda Soomaaliya ayaa ku celisay inay ka go’an tahay dhowrista madax-banaanida midnimada iyo sharafta dhuleed ee Shiinaha, xilli Taiwan oo ka tirsan Shiinaha ay  Xidhiidh  diblomaasiyadeed la yeelatay   Somaliland.

 

 

Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad, oo khadka online-ka kaga qeyb-galay shirka Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Carabta, ayaa sheegay in Soomaaliya ay Shiinaha  leeyihiin xidhiidh taariikhi ah oo qoto-dheer, kaasi oo ku salaysan xushmad iyo wada faa’iideysi laba dhinac.

 

 

 

“Taariikhda casirga ah, Soomaaliya waxay ka mid ahayd dalalkii ugu horreeyey ee Bariga Afrika ee xidhiidh diblomaasiyadeed la yeeshay Shiinaha. Waxaan xaqiijineynaa inaan xushmeyno midnimada qaran, madax-banaanida iyo sharafta dhuleed ee Shiinaha,” ayuu yidhi.

 

 

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in Soomaaliya ay Aqoonsan tahay in Taiwan ay ka mid tahay Shiinaha.

 

 

“Waxaan xaqiijineynaa in Taiwan ay si aan la diidi karin ay uga mid tahay dhulka Shiinaha, waxaana naga go’an ilaalinta mabda’a ah hal China, anaga oo diideynaa madax-banaani doonka Taiwan nooc kasta oo ay ku timaado iyo inay xiriir rasmi ah la yeelato dhinac kasta,” ayuu yidhi.

 

 

 

 

Hadalkiisa ayaa imanaya ayada oo sidoo kale shalay, afhayeenka Wasaaradda arrimaha dibedda Shiinaha, Zhao Lijian, uu shalay shir jaraa’id oo uu ku qabtay caasimadda Beijing, ku sheegay in Shiinaha ay si xooggan uga soo horjeedaan sameynta hey’ado rasmi ah ama nooc kasta oo is-weydaarsi rasmi ah oo u dhexeeya mas’uuliyiinta Taiwan iyo Somaliland.

 

 

 

Zhao ayaa sidoo kale farriin ammaan ah usoo jeediyey tallaabada ay qaaday dowladda Soomaaliya ee ay ku diiday ficillada Somaliland iyo Taiwan.

 

 

 

“Waxaan ogaanay oo aan ku qanacsanahay in dowladda Soomaaliya ay dib u xaqiijisay u hoggaansamida mabda’ Midnimada Shiinaha ayna ku dhalleeceysay Taiwan inay carqaladeyneyso madax-bannaanida, sharafta,

iyo qaranimada Soomaaliya. Adduunka waxaa jira hal China, Taiwan-na waa qeyb aan laga doodi karin oo ka mid ah Shiinaha. Mabda’ hal China waa mid si caalami ay aqooonsan yihiin xidhiidhada iyo is afgarashada caalamiga ah,” ayuu yidhi Zhao Lijian.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker