Turkiga oo ka cadhooday heshiis dhexmaray dowladaha France iyo Giriiga

Turkey ayaa si caro leh uga jawaabtay heshiis hub oo balaayin dollar ah oo ay saxiixdeen France iyo Greece, ayada oo ka digtay inuu halis gelin doono xasilloonida gobolka.

France iyo Greece ayaa Talaadadii tagtay saxiixay hesiis is-afgarad oo Athens ay Paris uga iibsaneyso saddex maraakiib dagaal, kaasi oo madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron uu ku qeexay inuu xoojin xooggan u yahay himilooyinka difaaca Midowga Yurub.

Hase yeeshee, Turkey oo xidhiidh aan wanaagsaneyn la leh dalka ay ka wada tirsan yihiin NATO ee Greece, ayaa cambaareysay heshiiska kuna qeexday mid ka dhan ah Ankara.

“Hubeynta Greece iyo go’doominta iyo fogeynta Turkey, intii iskaashi lala sameyn lahaa, waa siyaasad dhibaato leh oo dhaawici doonta Greece iyo Midowga Yurub, islamarkaana halis gelin doonta xasilloonida iyo nabadda gobolka,” waxaa sidaas yidhi afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Turkey.

Macron ayaa Talaadadii sheegay in iibinta maraakiibta aan loola jeedin in loo arko halis ka dhan Ankara, isaga oo ugu yeeray mid looga dan leeyahay in lagu xaqiijiyo ammaanka Meditareeniyaanka, iyo sidoo kale Waqooyiga Afrika, Bariga Dhexe iyo Balkans-ka.

France iyo Greece ayaa sanadihii dhowaa yeeshay xiriir aad u dhow, halka xidhiidhka mid walba uu la leeyhaya Turkey uu aad u xumaaday.

Xidhiidhka Paris iyo Ankara ayaa sanadkii tegay gaaray heerkii ugu xumaa markii madaxweynaha Erdogan Recep Tayyip Erdogan uu ku baaqay in la baaro caafimaadka maskaxda madaxweyne Macron, taasi oo aas uga careysiisay France.

Dhanka kalena, Xidhiidhka Turkey iyo Greece ayaa leh taariikho dagaal iyo isku dhacyo ah.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker