Maydka Wiil Somali ah oo laga Helay Minneapolis
Ciidamada Amniga ee dalka Mareykanka gaar ahaan kuwa Magaalada Minneapolis ayaa helay meydka Allah ha unaxriistee Cabdiraxmaan Cabdifitaax Cali oo ka mid ahaa dhalinyarada Soomaalida ah ee ku noolaa magaaladaas, kadib muddo Shan cisho ah oo lagu la’aa nolol iyo geeri toona.
Waxaa la sheegay in Ciidanka Amniga meydka marxuumka ay kasoo saareyn webiga Mississippi ee Magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota ee dalka Mareyanka.
Kahor inta aysan helin meydka marxuumka ciidanka amniga waxaa la sheegay in qaar kamid ah Ardaydii Jaamacadda Minnisota uu la dhiganayay ay u gudbiyeen inuu ku sugnaa Cabdiraxmaan Agagaarka webiga Mississippi, taas oo ugu dambeyn la ogaaday in uu ku dhacay kuna dhex dhintay.