Xildhibaano Ka Tirsan Puntland Oo Gaadhay Magaalada BADHAN Xilli Ay Jirto Xiisad U Dhaxaysa Puntland iyo Somaliland.

Wefdi ka kooban xildhibaanno iyo wasiirro ka tirsan Puntland ayaa maanta gaadhay magaalada Badhan ee gobolka Sanaag.

Socdaalka wefdiga ayaa la xidhiidha  u kuur-galka xaaladda gobolka Sanaag waxaana ay kulan la qaateen maamulka gobolka Sanaag kan degmada Badhan iyo saraakiisha ciidamada difaaca Puntland ee ku sugan degaanka xilli ay halkaasi ka jirto xiisad u dhexaysa Puntland iyo Somaliland.

 

Cutubyo ka tirsan ciidamada Daraawiishta Puntland oo ka baxay magaalada Badhan ayaa sidoo kale u ruqaansaday dhinaca degmada Yubbe oo ay maalmo ka hor fadhiisimo ka sameysteen ciidamada Somaliland.

 

Xiisad u dhexaysa Puntland iyo Somaliland ayaa maalmaham dambe ka aloosan gobolka Sanaag kadib markii Somaliland ay ciidamo soo dhoobtay degmada Yubbe iyo tuulooyin hoosyimaada.

 

Oodweynenews Sanaag

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker