Rabshado ka dhacay jaamacadda Jigjiga
Wararka ka imaanaya magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad deegaanka Soomaalida dalka Itoobiya ayaa sheegaya in xalay ay rabshado ka dhaceen jaamacadda magaaladaasi kaddib markii sida la sheegay ardayda fasalka 12-aad oo halkaa imtixaan ku galayay ay qaarkood diideen in la baaro.
Rabshadaha ayaa sida la sheegay sababtay in ciidamada ammaanka ay soo farageliyaan, taa oo keentay in ay ku dhaawacmeen qaar ka mid ah ardayda, ardeyda ku dhaawacmay rabashadaha waxaa la geeyay isbitaalka guue ee Jigjiga.
Madaxa Jaamacadda ayaa BBC-da u sheegay in rabshadaha ay ka bilaabmeen markii mid kamid ah ardeyda uu diiday in laga baaro qishka.
Wuxuu intaa ku daray in xaaladda ay maanta deggen tahay isla markaana maanta ardeyda ay si nabad ah imtixaanka ugu fariisteen.
Waxaana saaka jaamacadda horteeda lagu arkayay waalidiin doonaya in ay ogaadaan xaaladda carruurtooda halkaasi ku jira.
Wasaaradda waxbarashada federaalka Itoobiya ayaa soo saartay go’aan ah in ardeyda fasalka 12-aad ay imtixaanka ay ku galaan jaamacadaha si looga hortaggo in ardeyda kasoo gudbeyso dugsiga sare aysan u qishin.