Sacuudiga oo Cambaareeyay Qaraxii Lagu Hoobtay Ee Bishii lasoo dhafay ka dhacay Muqdisho.

Golaha Wasiiradda Boqortooda Sacuudiga oo kulan ku yeeshay magaalada Jeddah ayaa si kulul u Cambaareeyey Qaraxii lagu hoobtay ee ka dhacay magaalada Muqdisho 28kii bishii Disembar ee sanadkii hore.

 

Qoraal ka soo baxay kulankaas ayaa lagu sheegay in weerarkaas uu ahaa mid Waxashnimo ah oo lagu laayey dad maato ah oo aan waxba galabsan

“Waxaan tacsi u direynaa eheladii dadkooda ay ku dhinteen weerarkan argagaxa lahaa.” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay golaha wasiirada Sacuudiga.

 

Waxaa qoraalka lagu sheegay in Sacuudigu ay diidan yihiin nooc walba oo xagjirnimo iyo argagixiso ah, iyagoo ku baaqay in meel looga soo wada jeesto koox kasta oo ku can baxday argagaxisanimo.

Weerarka ka dhacay isgoyska Ex-kontrol Afgooye oo ay ku dhinteen dad ku dhow 100 qof, kuna dhaawacmeen 150 kale oo shacab u badan ayaa waxaa sheegtay Al-Shabaab.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker