Barta Afsoomaaliga Barta Q,7aad WARYAA Wax badan Tidhiye, WAAR muxuu yahay?

Waryaa waa Eray ay aad u adeegsadaan dadka Soomaalida ahi, Goortan ama Xilligan aynu Jirno, Erayga Waryaa deegaamada Soomaalida Qaarkood waxa loogu yeedhaa Labka, Halka deegaamada Qaar Lab iyo Dhedig loogu yeedho, Waryaa waa Erayga ugu Caansan Afsoomaaliga, Erayga Waryaa Heer ayuu Marayaa Dadka Soomaalida ah loo raaciyo magaca Guud, oo loogu yeedho Soomaali-waryaa!, Erayga Waryaa Ruuxii maqlaa waa Qasab inuu soo jeesto, Gaar ahaan Soomaalida Qurbo Joogta ah, Sidoo kale waa erayga lagu Yool-baadho dadka Soomaalida u sansaan eeg, oo waxa la yidhaahdaa bal Waryaa ku Dheh, Hadii uu ruuxaasi soo jeedsanwaayo waxa la yidhaahdaa maaha Soomaali!,
Hadaba Erayga Waryaa Wax badan Tidhiye Waar Iyo Waryaa maxay yihiin?
WAAR, waa Afkii Hooyo, Waa se, Eray kasoo Jeeda Afkii Lo’laydii waayo-waayo Jirtay, Waryaa waa Waar oo la Afsoomaaliyeeyey, waana isku macne labada Eray, Waana DUCO!!!, Haa Waa DUCO!!,
Horta WAARE waa Illaahay, Waar waxa uu kadhigan yahay ama macnihiisu yahay, Waar = Jir = Joog = Noolow = Alle-hakudaayo, bal Hada ila eega adeegsiga erayga Waryaa iyo Waar,
Tusaale, ( qof baa loo yeedhayaa Cabdi layidhaa), ”WAAR Cabdi”, “WAAR Cabdiyow” Soomaalidu way KEENI-adagyihiin oo Dhur-sug malaha, markaa markay isku yeedhayaan, dhowr jeer ayey ku celiyaan yeedhitaanka, sidan, 1, “Waar Cabdiyow” 2, “Waryaa Cabdi” 3, Waaryaahe, 4, “Waar muxuu noo dhagaysanayaa” 5, “Waar Hee Dheh, Waryaahe” 6,” Waryaa Cabdi” 7,”Waar wuxuu miyuu dhego-beelay” 8,”Waar balaayo kuu yeedhatee naga tag!”, Waar bal amuurta EEGA Erayada Ducada ah ee Hiifka iyo Habaarka laga dhigay!.
Waar iyo Waryaa waa Duco hase yeeshee Qofka sidaa wax ugu yeedha iyo Ka sidaa loogu yeedho, Midna is odhan maayo waa Ducaynaysaa iyo waa laguu ducaynayaa!.
Hadaba Waryaa iyo Waar waa Duco, ee Ruuxii loogu yeedho Waar-hebelow , Waar Hooy Dheh, oo Ducada walwaalo. Waaryaadhaheen Ummad Afkii-Hooyo ku hadlaysa se aanay erayadu Ka raadridsanayn ama Ka dhaadhacsanayn ama Fahansanayn Waa yaab iyo yaabka yaabkiiye, Waar Erayada dhuuxa oo Waar Dhowrta Afkiina oo waaryaadhaheen waara idilkiinba.
Fuad Fartaag 17-01-21
Arday Looxle

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker