Saddex ka mid ah Howlwadeenada Xafiiska Midowga Yurub ee Soomaaliya oo laga helay Coronavirus

Muqdisho (OWN) – Illaa saddex xubnood oo ka tirsan Xafiiska Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa la shaaciyey in laga helay cudurka Coronavirus.

 

Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaiya, Nicolas Berlanga ayaa sheegay in 3-da qof ee ka tirsan Howlwadeenada Xafiiskiisa laga helay cudurka, kadib baadhitaan lagu sameeyey.

 

 

Nicolas Berlanga ayaa tilmaamay in la karantiimeeyay  Xubnahaasi, islamarkaana lagu hayo meelo gaar ah.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in la Go’doomiyey dhammaan dadkii ay la kulmeen saddexdaasi qof ee la xaqiijiyey in laga helay Covid-19.

 

Safiirka ayaa ugu dambeyn xusay inay qaadi doonaan tallaabooyinka Caafimaad ee hay’adda WHO, si loo badbaadiyo shaqaalaha ka shaqeeya xafiiska Midowga Yurub.

 

 

Coronavirus oo haatan si aad ah ugu sii fidayo Soomaaliya ayaa  dhowaan laga helay Askari ka tirsan ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee magacooda  Loo soo gaabiyo AMSISOM, iyadoona sidoo kale sarkaal kale oo looga shakiyey xanuunka la karantiimeeyay.

 

 

Kiisaska illaa iyo hadda ay xaqiijsay wasaaradda caafimaadka xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa kor u dhaafay 600 oo ruux.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker