Muddo-xileedka Xisbiyada, Mudo-kordhinta Guurtida Iyo Muranka Doorashada oo Madaxweynaha Somaliland Ka Hadlay

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay muranka ka taagan qabsoomidda doorashooyinka dalka ka qorshaysan, waxana uu soo jeediyey in dhammaanba doorashooyinkaas loo daayo hay’adaha sharciga ah ee ay shaqadooda tahay.

Madaxweynuhu waxa uu tilmaamay in doorashooyinka taagan kala horraysiintooda loo maro waddooyin sharci ah, kuwaas oo loo daba fadhiyo hay’adaha arrimahaas qaranka u qaabilsan, waxaanu yidhi, “Dalku wuu deggen yahay doorashadana wuu gelayaa, habkii loo geli lahaa iyo hay’adihii doorashada qabanayeyna way dhan yihiin, intaas oo doorasho ayeynu u baahannahay waxaana ay u kala horreeyaan sida sharcigu dhigayo, sida doorashooyinka loo kala hormarinayo waxaynu u doorannay hay’ado, axsaabta tobankii sanoba mar hala furaa la yidhi, waxana ay u dooranay oo u xilsaaran Hay’adda Diiwaangelinta ururrada iyo axsaabta siyaasiga ah, guddidaasna Baarlamaankaa u codeeyey, Baarlamaankuna axsaabta oo dhan buu ka kooban yahay, xisbi walibana siyaasadiisa Baarlamaankuu mariyaa.”

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker