Kiisaska Ebola ee Uganda oo sare u kacay iyada oo 23 ay u dhinteen

Hay’adda Caafimaadka Adduunka ayaa sheegay in dalka Uganda laga helay 36 kiis oo cudurka Ebola ah – 18 ayaa la xaqiijiyay tan iyo markii lagu dhawaaqay inuu ka dillaacay isbuucii hore.

Hay’adda WHO ayaa sheegtay in 23 qof oo ku kala dhintay saddex degmo oo ku yaalla bartamaha Uganda looga shakisanyahay Ebola, kuwaas oo shan ka mid ah la xaqiijiyay.

WHO ayaa sheegtay in tani ay tahay markii ugu horreysay oo Ebola uu ka dillaaco Uganda tan iyo 2012-ki.

Cudurkan Ebola nooca Sudan strain ayaa inta uu ka dillacay Uganda lagu dhawaaqay maalinimadii Talaadada.

Dhimashadii ugu horreysay ee la xaqiijiyey waxay aheyd nin 24 jir ah oo ku waayey xubno qoyskiisa ah oo gaaraya lix qof toddobaadkii uu horreeyey ee Bishan.

Mas’uuliyiinta caafimaadka ee Uganda waxay rumeysan yihiin in 21 qof ay u dhinteen feyraska Ebola.

Waxay wadaan dadaallada lagu baadi goobayo qof kasta oo la kulmay dadka looga shakiyay cudurka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker