Dhegayso: 400 Sanno Guuradii Kasoo wareegay Billowga Adoonsiga African-ka Oo Laga Xusay Dalka Maraykanka

Dhamaadkii Bishii August ee sanadkii 1619-kii, muddo haatan laga joogo 400 oo sanadood ayay aheyd markii ugu horreysay ee dalka Mareykanka la keenay dadka African-ka ah ee la adoonsan jiray.

 

Markab burcad badeed ay wadatay oo lagu magacaabi jiray White Lion, oo ka soo talaabay Badda Atlantigga, sidayna 20 African ah ayaa xilligaas ku soo xidhtay tuulo yar oo la oranjiray Point Comfort oo ku taalla gobolka Virginia ee Dalka Maraykanka .

Dadkaasi Africanka  ah oo laga keenay dalka Angola, ayaa noqday African-kii ugu horreeyay ee Cagta soo dhiga Virginia oo berigaas uu Ingiriisku heystay.

Imaanshiyahooda waxa uu bilow u ahaa dhaqankii iyo ganacsigii adoonsiga ee muddo 200 sanadood ah ka jiray America.

Hadaba warbixin arrintaasi ku saabsan waxaa inoo diyaarisay Sahra Cabdi Axmed, oo ah wariye ka tirsan idaacada VOA, oo aan warkan ka soo xiganay.

 

 

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker