FARI-TOGDHEER BAY KULA XUSHAA WAA DAGAALKA TUKA-RAQ IYO BOODHKA JAFKA XUDUUDDA SOMALIAND LA LAHAAN JIRTAY ISRAACII AAN LA MAHADIN KA HOR.

Waqtiga dagaalka TUKA-RAQ ku soo beegmay waxuu yahay waqti adag reer SOMALIAND hadday dhinac dhaqaale tahay, dhinac Siyaasadeed tahay, dhinac bulsho Doorasho xumo qaybqaybisay oo labo qof oo kastaa geesaha iskula jiraan, Dawladdii oo wada lahaansheheedii la kala boobay oo shirar qabaail waaweyni socdaan, dhibaatooyinka duufanada dabada ruub ku noqdeen, Heshiiskii Dekedda oo aan ummadaba la soo hordhigin oo si wax yihiin, wadankii oon Ictiraaf ba hayn oo hawlihiisa caalamiga ahi weli Mogadishu yaalliin. Gobolka dagaalku ka socdo oo qabiilka weyn ee dega oon Somaliland raacsanayn Puntland na Raacsanayn isaguna is raacsanayn oo xero-jin noqday iyo Xukuumadda Muse Biixi oo u muuqata inay ka wadani santay tii uu Madaxweyne SIILAANYO ka XANUUNSADAY laakiin khibrad yaraan iyo degdeg ka muuqdo. Intaasoo dhan oo is barkan baa ah xaaladda uu dagaalka TUKA-RAQ ku soo beegmay.

Markay arintu sidaa tay xaaladdu waxay u muuqata arinta Dagaalka TUKA-RAQ inay tahay arin lagu riixayo kaaryoone taayirkii jabay, xaaladuna waa MA NOOLAANIN YIDIDIILADDII NAXASHKA SAARAYD. waxaa soo socdaa wejiyo badan Bay leeyihiin, Dawladda Federalka iyo Puntland waa isku mid qudha wax qudhayna wada rabaan oo ah in dagaalku sii socdo oo cidda wadanka wax laga weydiiyaana ay iyaga noqdaan kuna soo hogaamiyaan xoogaga caalamiga ah oo Somaliland soo dega ciidamadooda Amison kooda xasiloonodaraduna u soo fido xagga Somaliland caawimooyin badanna ku helaan oo yidhaahdaan waa dalkayagii. Somaliland wax caawimo qaxoonti mooyee caalamka waxba u ogolaanmaayaan. Somaliland waxay rabtaa xuduudihii isticmaarkii oon cidiba u ogolayn inay xaqiijiso oo wadadaa halganka ah ee dheer Bay ku jirtaa oo imika dagaalka gaadhayba. Gobolka SOOL ee dagaalku ka qarxay waa gobol Somaliland Taariikh ahaan ka mida oo muran ku jirin laakiin belo waxay ka dhacday reerkii weynaa ee Dhulbahante ee gobolka iska lahaa waxay noqdeen CANFARAY FIRIRIG BADH PUNTLAND PAY RAACSANYIHIIN, BADH KHAATUMAY RAACSANYIHIIN IYO CALI KHALIIF, BADH SOMALIAND BAY RAACSANYIHIIN BADHKALE SHACAB BILAA CONTROL AH OO HUBSITA BAY NOQDEEN. MARKAY XAALADDU CAYNKAA TAHAY WAXAA KU SOO FOOLLE REER SOMALIAND DHIBBAATO UU XUSBIGA KULMIYE KA MASUUL YAHAY OO EEDEEDA U WEYN AY ABUURTAY XUKUUMADDII UU MADAXWEYNE SIILAANYO KA XANUUNSADAY OO MARKAY WAX WALBA QAADATAY AY GIRGIRE DABA OO DHERIBA SAARAYN MUSE BIIXI OO KURSIGA KU ORDAYA U DHIIBTAY.
NIN LA TUMAY TALO JIRTAA, MUSE WAXAA LA GUDBOON OO BIYO KAMA DHIBCAAN AH INUU QABAAILKA REER SOMALIAND MIDEEYO, INUU TUKA-RAQ DHAKHSO UGA SOO BAXO OO WADA HADAL GALO, INUU HANTIDA DADWEYNAHA GACANTA DAWLADA KU SOO CELIYO DEKEDDA, HAMAHA, WERSHADAHA OO SHAN SANO SIDII HANTI WADAAGA U SHAQEEYO OO DHALINTOO DHAN TABABAR ASKARI U FURO OO QABIIL LOO kala eegeegin oo Somaliland cusub uu yagleelo JEEGAANTA sidii qabyaaladdii loo aaso lix iyo labaatanka June ee soo socda.
MBashe (Meerkat)

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker