Midawga Afrika Oo Ka Shiraysa Samaysashada Baasaboor Mid ah

Addis ababa(OWN)-Shir madaxeedka Ururka Midowga Afrika ee Shalay ka furmay Magaalada Addis ababa ee caasimadda Itoobiya ayaa waxaa looga hadlayaa xakamaynta Qaxootiga iyo barakacayaasha Afrika iyo samaysashada Baasaboor ka dhexeeya Qaaradda.

Hay’adda Qaxootiga u qaabbilsan Qaramada midoobay ee UNHCR, ayaa sheegtay in 25.4 Milyan oo Qaxootiga Caalamka ah ay 26 Boqolkiiba kasoo jeeda Waddamada Saxaraha ka hooseeya ee Afrika.

UNHCR ayaa sababta keentay korodhka qul-qulka Qaxootiga ku tilmaantay dhibaatooyinka ka taagan Waddamada Jamhuuriyada Bartamaha Afrika,Dalka Koonfurta Suudaan, Soomaaliya, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo iyo Burundi.

Dhinaca kale, Midowga Afrika ayaa shirkan kusoo bandhigaya naqshadda Hal Baasaaboor oo ay yeelanayaan Waddamada Afrika, kaas oo fududeynaya isu socodka muwaaddiniinta Qaaradda, balse uu shaki ku jiro hirgelinteeda, sida ay Al-Jariira u sheegtay, Madaxa difaaca Gobolka ee Kooxda xasaradaha Caalamiga ee ICG, Elissa Jobson.

“Waa feker fiican guud ahaan marka loo eego dhaqdhaqaaqa xorta ah ee muwaadiniinta Afrika , su’aashu waa haddii la fulin karo,” ayay tidhi ,Elissa Jobson.

Baasaboorrada ay soo saaraan Dowladaha Afrika ayaa laga yaabaa in uu meesha ka saaro Baasaboorka ay yeelanayaan 55-ka Dal ee ay Qaaraddu ka kooban tahay.

Dowladaha Qaniga ah ee Qaaradda Afrika ayaa walaac ka muujinaya in Dadka ka imaanaya Waddamada saboolka ah ay si fudud kusoo galaan haddii la sameeyo Hal Baasaboor oo Qaaradda ka dhaxeeyo.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker