” Dhacdada Foosha Xun Ee Uu Igula Kacay Mahad Ibraahim Maamulaha Schoolka Nuraadiin”

Waxaan halkan idiin ku soo gudbinaynaa qoraal uu soo dhigay barta facebook-ga uu ku leeyahay arday  ka tirsanaan jiray Iskuulka Nuuradiin Schools oo lagu magacaabo Axdiazizi Xidig, isagoo sheegay in dhacdada ka dhacday ay xasuusisay dhacdo uu ku sheegay inuu kula kacay  maamulha iskuulka Mahad Ibraahim Maamulaha Schoolka Nuraadiin, arintan oo imanaysa kadib markii   ardaydii dhiganaysay Nuuradiin Schools  ay ku   mudaaharaadeen iyagoo ka tirsanaya cadaalad darro ka jirta iskuulkaas.

Hadaba halkan hoose ka akhriso qoraalka uu Abdiazizi Xidig ka qoray mamamulaha Iskuulkaas:–

 

Dhacdada Foosha Xun Ee Uu Igula Kacay Mahad Ibraahim Maamulaha Schoolka Nuraadiin Waa Mid Soo Jirtay Ilaa Asaaskii Dugsigiisa, Waxaan Kala Kulmay,

“Abeeso Dhul U eeki Ayay Wax ku Dishaa Wadaadna Dad U Eeki”
Dhacdadan Maanta Ka Dhacday Schoolka Nuuradiin Waxay Isoo Xasuusisay Sanadkii 2004 Oo Aan Arday Ka Ahaa Dugsiga Hoose
Ee Nuuradiin, Dhacdo Badheedha Oo Uu Igula Kacay Maamulaha Dugsiga Nuradiin Mahad Ibraahim Mohamed Kaas Oo Isbarbar Dhig Ku Sameeyey Surwaal Uu Xidhnaa Iyo Surwaalkan Xidhnaa Oo Midabkiisu Ahaa Madow.
Mahad Ibraahim Wuxu Iga Saaray Dugsiga Wuxuu Igu Yidhi Orod Oo Surwaal Kayga Oo Kale Ah Waalidkaa Isoo Iibi Dheh,
Waxaan Tagay Gurigayagii Oo Aan Uugu Tagay Hooyaday Kadibna La Wadaagay Arinta Laygu Soo Eryey In Ay Tahay Surwaal Madow Oo Dhalaal Leh Sida Ka Maamuluhu Xidhan Yahay
Hooyo Waxay Igu Jawaabtay Surwaalkaad Xidhan Tahay Miyaanu Madow Ahayne? Haa Hooyo Waa Madow Lakiin Maamuluhu Wuxuu Igu Yidhi Waxaad Soo Xidhaata Surwaalka Madow Ee Dhalaalka Leh, Kadib Hooyo Allah Ha Barakeeye Ayaa Isoo Kaxaysay, Kadib Waxaan Soo Gaadhnay Schoolkii Nuradiin Mahad Oo Xafiiska Lacagta Fadhiya Ayaa Nooso kacay.
Hooyo Ayaa Waydiisay Surwaalka Aan Xidhanahay Iyo Kuu Xidhan Yahay Maamuluhu Waxay Ku Kala Duwan Yihiin?
Mahad Ayaa Hooyo Uugu Jawaabay Noocan Cusub Ee Dhalaalka Leh In La Isoo Iibiyo.
Hooyo Ayaa Ku Tiri Waxaad Iisheegtaa Farqiga U Dhaxeeya Labadan Surwaal? Mahad Ayaa Intuu Soo Booday Oo Kaladhka Isoo Qabtay Cadceedii Albaabka Kasoo Galaysay Intuu Istaajiyey Hooyo Ku Yidhi Surwaalka Madowgiisa Kama Hadlaaye Waa Inuu Dhalaalka Lahaado.
Hooyo Way Xanaaqday Intay Gacanta I Qabatay Ay Isla Wakhtigii Suuqa I Gaysa Ina Soo Iibisay Surwaalkii Dhaalayey Schoolkiina Waxbarashaydii ku sii Watay Hooyo Allah Ha Ii Barakeeye.
NB:- WAxaa I Hortimaad Maalintaa Oo I Xasuusisay Ardayda Danyarta Ee Aan Awoodin In Ay Iibsadaan Surwaalka Dhalaalayaa Hadaan Ka Mid Noqon Lahaa Inaan Waxbarashadda Ka Hadhi Lahaa, Arday Awoodi Waydayna Way Jireen Lakiin Ma Xasuusto Wixii Uu Maamulka Schoolku Ka Yeelay Lakiin Arintaasi May Qurux Badnayne 2004.
2005 Ayaan Ka Qalinjabiyey Dugsiga Nuradiin Oo Lagaga Qalinjabin Jirayn Class 5aad Ee Dugsiga Hoose. Schoolada Kale Ee Dalka Ayaa Class 6aad Laga Gali Jiray.
May be an image of 1 person, beard, sitting and text that says "Managing Director Mahad Ibrahim Mohamed"
Macalin Digtaytar Noqdaa Ma Waayo Arday Jabhad Noqda.
Waxaa qoray Abdiaziz Xidig

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker