Guddoome C/Risaaq Khaliif Oo Tallo Waayeelnimo Ah U Kala Diray Madaxweyne Biixi Iyo Guddoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Ee JSL Md Cabdirisaaq Khaliif Axmed, Ayaa Tallo Waayeelnimo Ah U Kala Diray Madaxweyne Biixi Iyo Guddoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Ee JSL Md Cabdirisaaq Khaliif Axmed, Ayaa Madaxweynaha JSL Md Muuse Biixi Cabdi Iyo Guddoomiyaha Golaha Guurtidda Ee JSL Md Saleebaan Maxamuud Aadan Kula Taliyey Inay Xaaladda Adag Ee Siyaasaddeed Ee Dalka Ka Taagan Inay Ku Wajahaan Qaab Odaytinimo Ah, Isla-markaana U Gutaan Waajibaadka Masuuliyaddeed Dalka Ka Saaran.
Guddoomiye Khaliif, Wuxuu Yidhi Siddan Tallooyinka Waayeelnimadda Ah Ee Uu U Kala Diray Madaxweyne Biixi Iyo Guddoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan “Waxaa Lagaa Doonayaa Madaxwayne In Xaalada Uu Dalka Ku Jiro Aad Ku Waajahdo Waayeelnimo Odaytinimo Iyo Ururin Waxa Uu Sidoo Kale Xilkaasi Saaran Yahay Saleebaan Maxamuud Aadan Oo Ah Gudoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Maalin Walba In Cid Aan Eed Lahayn Eeda La Saaro Oo Shacabka Loo Jeediyo Ma Aha Wax Fiican.
Madaxwayne Waxaan Ku Lee Yahay Cida Aad Talada Ka Qaadanayso Yaanay Noqon Talo Xumaalaha Ha Noqdo Cida Aad Talada Ka Qaadanayso Mid Markaad Khaldan Tahay Ku Dhaha War Fadhiiso Markaad Saxsan Tahayna Garnaqsan Kara Oo Aragtidiisa Gole Gayn Kara Kaas Madaxwayne Talada Ka Qaado”.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker