Madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland oo xadhig-ka-jaris iyo kormeer ku sameeyey mashaariic xukuumaddu ka hirgelisay magaalada Laascaanood

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi oo safar shaqo ku joogay gobolka Sool, ayaa maanta xadhigga ka jaray mashaariic kala duwan oo xukuumaddu ka hirgelisay gudaha magaalada laascaanood, isaga oo kuwo kalena kormeeray.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu xadhigga ka jaray xarunta cusub ee ciidanka Dab-demiska looga bineeyey gudaha magaalada Laascaanood iyo dhisme cusub oo lagu kordhiyey xarunta gobolka Sool, isaga oo sidoo kalena kormeeray xarunta cusub ee madaxtooyada oo dhismaheedu socdo.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker