Dowlada Itoobiya oo war ka soo saartay ‘raali-gelintii’ Farmaajo ee Somaliland

Hargeysa (OWN) – Dowladda Itoobiya ayaa ka hadashay raali-gelintii uu Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya uu dhowaan ka bixiyey xasuuqii Siyaad Barre ee deegaanada

Somaliland.

 

Wasaarada arrimaha dibadda ee Itoobiya ayaa warbixinteeda todobaadlaha ah ee ‘Week in the Horn’ ku sheegtay in raali-gelinta Farmaajo ay qeyb ka tahay talaabooyinkii u dambeeyay ee loo arkayey is-faham ay labada dhinac gaadheen.

 

Warbixinta wasaarada ayaa waxa kale oo lagu Xusay qaabkii uu uga jawaab celiyay raali-gelintaasi Madaxweynaha Somaliland.

waxaana lagu yidhi “

 

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa soo dhaweeyay raali-gelin guud oo uu Madaxweyne Maxamed Farmaajo ka bixiyay xasuuqyadii Siyaad Barre. Madaxweyne Biixi wuxuu ugu sacabo tumay talaabadan inay tahay mid gaar ah oo Taariikhi ah”.

 

Sidoo kale waxa Warbixintaasi lagu sheegay in Labada madaxweyne ee Farmaajo iyo Biixi ay magaalada Addis-Ababa ay ku qaateen kulan koodii ugu horeeyay oo albaabadu u xidhnaayeen.

 

“Toddobaadkii hore, labadoodu markii u horaysay waxay kulan albaabadu xidhanyihiin ku yeesheen Addis Ababa” ayaa lagu yiri Warbixinta todobaadlaha ee Wasaarada arrimaha dibadda Itoobiya.

 

Dowladda Itoobiya ayaa u muuqata mid iyadu door weyn ka ciyaareysa in dib u furmaan wada-hadalada Soomaaliya iyo Somaliland oo muddo hakad ku jirey, iyo weliba dajinta xiisada ka dhaxeysa labada dhinac.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker