Nin Oromo ah oo lagu dilay Magaalada Boosaaso

Boosaaso(OWN)- Wararka inaga soo gaadhaya Magaalada Boosaaso , waxaa xalay Magaaladaasi lagu dilay nin ka soo jeeda Qowmiyadda Oromada dalka Itoobiya.

Dilka ninkaan ayaa waxaa gaystay nin kale oo isna ka soo jeeda Qowmiyadda Oromadda, waxaana la sheegay labada nin inay saaxiibo ahaayeen, balse Khilaaf uu soo kala dhex galay.

 

 

Xaafadda Magaalo-cad ee Boosaaso oo ay degan yihiin Qowmiyadda Oromada ayuu ka dhacay dalkaan, iyadoo isla xalay halkaasi ay tageen ciidamada ammaanka Magaalada Boosaaso.

Ciidamada ayaa ku guulaystay soo qabashada gacan ku dhiiglaha falka dilka ah gaystay, waxaana iminka uu ku xiran yahay Saldhiga Magaalada Boosaaso.

 

Ciidamada ammaanka ayaa su’aalo waydiinaya ninka Oromada ah ee saaxiibkiis dilay, iyadoo aanan la ogeyn illaa hadda rasmi ahaan khilaafka ka dhaxeeya wuxuu salka ku haayay.

 

Dhawaan ayeey aheyd markii shacabka Magaalada Boosaso ay dileen nin Oromo ah, kaasi oo muuqaalo laga soo duubay lagu arkaayay Baraha Bulshada.

Image result for boosaaso

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker