Milatariga Israa’iil oo ragga bannaanka uga saaraya isbitaalka al-Shifa

Khadar oo ah wariye ku sugan isbitaalka Shifa ayaa sheegay in milatariga Israa’iil ay cod baahiyeyaal, ugu sheegayaan dhammaan ragga da’doodu u dhaxayso 16 ilaa 40 jir inay ka baxaan dhismaha isbitaalka, marka laga reebo qaybaha qalliinka iyo gargaarka degdegga ah, oo ay aadaan barxadda isbitaalka.

Saacadihii la soo dhaafay ayuu sheegay in ciidamadu ay rasaas cirka u rideen si ay ugu qasbaan kuwa ku haray gudaha in ay banaanka u soo baxaan.

Waxa kale oo uu sheegay in ay rakibeen qalabka wax lagu baaro, isla markaana ay raggaasi ka codsadeen inay soo maraan halka baaritaanka.

BBC-du si madax bannaan uma xaqiijin karto warkaan ku saabsan in ciidamadu ay bannaanka uga soo saarayaan isbitaalka ragga.

BBC

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker