Wiil Yar Oo Shan Jir Ah Ayaa Ku Xanniban Ceel uu ku dhacay Dalka Morocco
Dadaallo lagu soo badbaadinayo canug yar oo reer Morocco ah oo ku dhacay ceel biyood u dhow magaalada Shefshaawan ayaa haatan ku dhow gebogebo.
Cannugani oo warbaahinta maxaliga ah ay ku sheegeen Rayaan oo shan sano jir ah, ayaa lagu soo warramayaa in uu ku ciyaarayay meel u dhow ceelkaasi oo ku yaal magaalada waqooyiga ku taal ee Tamrout, oo 100km u jirta Shefshaawan.
Rayaan ayaa la rumaysan yahay in uu ku dhacay ceel dheerarkiisu lagu qiyaasay ilaa 32 miitir, isaga oo marar ceelka afkiisa oo aad cidhiidhi u ah.