Diyaarad Dhaawacyo Ka Qaaday Gobolka SOOL Oo Ka Degtay Magaalada Muqdisho

Muqdisho(OWN)- Maanta gelinkii danbe waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ka soo degtay diyaarad siday qaar ka mid ah dadkii ku soo dhaawacmay dagaaladii maalmihii la soo dhafay ka dhacay degaanka Dhumay ee gobolka Sool.

 

Dowladda Soomaaliya ayaa diyaaradan u dirtay gobolka Sool, waxayna Muqdisho keentay 22 qof oo dhaawacyo kala duwan qaba, oo qaarkood uu dhaawacooda culus yahay.

 

Dadkan la keenay Muqdisho ayaa waxaa la dhigay qaar ka mid ah isbitaalada ku yaalla Muqdisho, halkaasi oo xaaladooda caafimaad lagula tacaalayo.

 

Arrintan ayaa waxa ay ka dambeysay kadib markii madaxweynaha Soomaaliya iyo raโ€™iisul wasaare Khayre ay amreen in gurmad deg deg ah loo fidiyo dadka dhibaatada ay ka soo gaartay colaada Sool.

 

Deegaanka Dhumay ayaa weli waxaa ka taagan colaad u dhaxeysa laba beelood oo walaalo ah oo isku heysta dhul daaqsimeed iyo xoolo ay kala dhaceen, baaqyo nabadeed oo kala duwan ayaa loo diray.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker