Gudoomiyaha Golaha Wakiiladu Dhexdhexaad Ma Ka Noqon Karraa Khilaafka Siyaasiga ah ?
Gudoomiyaha Golaha Wakiiladu Dhexdhexaad Ma Ka Noqon Karraa Khilaafka Siyaasiga ah ee u Dhexeeya Xukuumadda iyo Xisbiyada Mucaaridka?
Wey fududahay Jawaabta Su,aashu Laakiin Sida la Sheegay inkastoo uu Mudadii Fasaxa Golaha uu Hogaamiyaa Kujirey, uu Dalka Ka Maqnaa Waxa uu Kusoo Laabanayaa Maanta oo Khamiis ah taas, oo ay Qeybaha Warbaahinta taageera inta badan Xisbiyada Mucaaridku usoo qadimayeen innuu Qeyb ka Noqonayo Dhexdhexaadin Socota.
Su,aasha Isweydiinta Mudani Waxey Tahey Cabdirisaaq Khaliif Axmed Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Dhexdhexaad Maka Noqon Karraa Khikaafka Siyaasiga ah ee Wakhti Xaadirkan Dalka Ka jira?.
Sida ay Dad badani la Socdaan Khilaafka Muranka u Dhexeeya Xisbiyada Mucaaridka ah ee Ucid iyo Waddani iyo Xukuumadda talada haysa, oo Ku Wajahan Furista Ururada Siyaasada Cabdirisaaq Wuxuu Qeyb ka ahaa Xudunta Khilaafkaasi, sidaa daraadeedna Marnaba Kama Noqon Karro Dhexdhexaad xataa Marka loo eego Golihiisa iyo Xubnaha Mudanayaasha Golaha, Wey ku kala Aragti duwan yihiin Sidii dhacdey Markii uu Golaha Ku Furey, 27ka Mudane, taas oo Sabab u aheyd in Mudanyaashii Kale ee Gudoomiye Kuxigeenkiisa Koowaad Hogaaminayey ay Maxkamada Sare ugudbiyaan Xeer14/2021 Sidaas ayaanu marnaba Dhexdhexaad uga Noqon Karin Murankan Ku Wajahan Furista Ururada iyo tartankooda, Kaliya Waxa Dul-taala Mr Khaliif Su,aasha ah Ma sii Hogaamin Karraa Golaha Mise Wuu ku hafan doonaa?.