Soomaaliya Oo U Aragta Fursad Dahabi Ah Oo Somaliland Lumisay Socdaal Farmaajo Iyo Abiy Axmed ku Iman Lahaayeen Hargeysa Oo Madaxweyne Biixi Diiday

Raysal Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa sheegay in Madaxweyne Biixi iyo Farmaajo ay xidhiidh toos ah lahayeen sanadkii ina dhaafay, waxaanu sheegay inay Somaliland lumisay fursad dahabi ah, taasi oo ahayd inay Madaxweyen Farmaajo iyo Raysal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed  oo wada socdaa yimaadaa Magaalada Hargeysa bishii Maaraj ee ina dhaaftay, balse ay Dowlada Somaliland diiday dalabkoodii ahaa inay yimadaan Hargeysa.

 

Ku-xigeenka Raysal Wasaaraha Somaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sidaas ku sheegay Wareysi gaar ah oo uu la yeeshay Telefishinka Goobjoog ,isagoo sheegay inay wadda hadalada Somaliland iyo Somaaliya ay Dowlada Fadaraalka Somaaliya ahmiyad weyn siinayso , waxaanu hadalkiisa ku bilaabau sidan “Ugu Horeyn wada hadallada Somaliland iyo Dowladda Fadaraalka Somaaliya waxa ay ka mid tahay qodobada ugu waa weyn ee ahmiyadda u leh guud ahaan Qaranka Somaaliyeed gaar ahaan waajibku uu naga saaran yahay , weliba anniga iyo masuuliyiinta kasoo jeeda Somaliland ee kamid ah golaha shacabka ee kamid ah aqalka Sarre ee Xukuumaddda ku jira wuxuu joogitaankayagu macno ku fadhiyaa marka wada hadal midho dhal ah ay jiraan oo dhexmaraya Dowlada Fadaraalka iyo Somaliland .”

 

Raysal Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed  ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo iyo xukuumaddiisu ay balan-qaadeen dar-dar-gelinta wadda hadalada Somaliland iyo Somaaliya ,isagoo sidoo kalene xusay inuu xidhiidh toos u dhaxeeyo Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Biixi.“Markii Madaxweyne Farmaajo la doortay wax yaabihi ugu horeeyey ee uu balan-qaaday ee Xukuumadduna balan-qaaday oo qayb kamid ah ahayd Barmaamijka Xukuumadda waxa weeyaan in la dar-dargeliyo lagana midho dhaliyo wada hadalladii Somaliland iyo Soomaaliya , ku talagalkayagu waa halkiisii waxa jirtay inay Xidhiidh toos ah ay lahayeen Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi .’” Ayuu yidhi Mahdi Maxamed Guuleed.

 

Dhanka kale ku-xigeenka Raysal Wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in doorashadii Madaxtooyada Somaliland ee dalka ka dhacday aanay Soomaaliya kala jeclayn saddex-da Xisbi ka ku guulaystay, isla markaana aanu jirin mid ay si gaar ah iyo si hoose u taageersanayeen saddex-daa xisbi “Markii la doortay Madaxweynaha ”Soomaaliya” kadib waxa jira Doorasho ay ku mashquulsanayd Somaliland, annagana aragtidayadu waxay ahayd saddex-da Xisbi ee KULMIYE,UCID Iyo WADDANI kii la doortaba in aanu la shaqayno la sii amba qaadno wada hadaladii hore u socday mid aanu gaar u taageersanay ama aanu niyada ka rabnay ma jiro , waxaanu ka turjumayna oo aanu sugayna rabitaanka Shacbiga reer Somaliland cidi madax iyo masuuliyiin ay uu doortaana in aanu la shaqayno.”Ayuu yidhi.

 

Waxa kale oo uu intaasi ku daray in Madaxweyne Muuse Biixi markii kursiga loo doortay ay xidhiidh fiican wada hadalo toos ah u dhexmaray  Madaxweyne Farmaajo, kuwaa oo socday ilaa sanadkii ina dhaafay, waxaanu xusay inay ku balameen inay Jabuuti ku kulmaan,taasi oo aan suurtagelin “Markii Madaxweynaha Somaliland la doortay Muuse Biixi Madaxweyne Farmaajo waa wada hadleen ilaa bishii Maaraj 2018 xidhiidh fiican oo wada hadal ah ayaa ka dhexeeyay oo ay ka wada arrin sanayeen sidii loo anba qaadi lahaa Wada hadalada Somaliland iyo Somaaliya ku talagalku wuxuu ahaa in la isku arko Jabouti ma ay dhicin waxa haddana soo dhex-galay iyadoo oo halkaa ay marayso shaqaaqadii Tukaraq oo dhiig dad Somaaliyeed uu ku kala daatay , Dowlada dhexe aragtideedu waxay ahayd bal horta in la baajiyo dhiig Somaaliyeed .”Ayuu yidhi

 

Geesta kakene Raysal Wasaare ku-xigeenka Somaaliya ayaa sheegay inuu diyaar u yahay Madaxweyne Farmaajo inuu Hargeysa kasoo dego, isla markaana uu geed hoostii kula shiro Madaxweyne Biixi si ay wadda haddaladii Somaliland iyo Somaaliya u dhaxeeyey halkaas uga sii anba qadaan “ Madaxweyne Farmaajo wuxuu diyaar u yahay inuu beri Hargeysa ka dego oo uu anba qaado Wada hadaladii Somaliland iyo Soomaaliya ,Madaxweynaha Muuse Biixi Xaraf kula sheekaysto geed hoostii ay ku shiraan ka wada arrinsadaan maxaa xal inoo ah Soomaali haddii aynu nahay 1960 lixdankii markii ay midnimadu dhalatay ee ay Xamar yimadeen dadka reer Somaliland waxay ahayd dedaal Somaaliyeed oo aanay cid kale gacmaha kula jirin, dedaalkaa in dib loo cusboonaysiiyo oo wada haddaladii dhaqaaqaan annagu diyaar ayaanu u nahay wakhti kasta oo ay munaasab tahayna diyaar ayaanu u nahay , maanta oo aanu Madaxweyne Farmaajo sheekaysanayna waxaanu ka wada hadlaynay arrimaha Somaliland iyo wada hadaladii Somaliland iyo Somaaliya sidii loo dar-dar-gelin lahaa .”

Docda kale Raysal Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed ayaa sheegay inay Somaliland lumisay fursad dahabi ahayd, taasi oo ahayd inay Raysal Wasaaraha  Itoobiya iyo Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo oo wada socdaa ay kasoo degaan Magaalada Hargeysa Bishii Maraaj ee ina dhaaftay haseyeeshee ay Dowlada Somaliland arrintaasi ka biyo diiday “Waxaan kuu sheegayaa inay Somaliland fursad dahabi ah inay dhawaan ay lumisay,taasi oo  ahayd in Raysal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweyne Farmaajo ay rabeen iyagoo wada jir ah oo wada socda inay ka degaan Hargeysa , taasi waxay ahaan lahayd fursad dahabi ah oo ay kula doodaan Madaxweynaha kula doodaan xubin kale oo dal kale ah oo goob-joog ka ahaan lahayd wada hadaladaa saddex- geesoodka ah ee ka dhici lahaa Hargeysa ,arrintaas laakiin markii Madaxweynaha Somaliland iyo maamulku ay wada tashadeen ma ay suurtoobin , ilaa haddana diyaar ayaanu u nahay ama ha noqdo Madaxweyne Farmaajo keligii ama ha noqdo Madaxweyne Farmaajo iyo Raysal Wasaaraha Itoobiya in mar walba aanu tagno.”

 

Mawqifka Xisbiga Waddani ee Wada Hadalka Somalia

Shir jaraa’id oo Dr Cabdiraxmaan Cirro qabtay 30-kii bishii April wuxuu shuruudo ku xidhay wada hadalka Soomaaliya oo uu sheegay in aanay suuro gal ahayn in xilligan oo aanay bulshada Somaliland gudaha ka midaysnayn lala galo xukuumadda Muqdisho “Dal shacbigiisu marka uu aammino dawladdiisa iyo hay’adihiisa dawladda dhammaan wuxuu u hoggaansama amarrada iyo shuruucda ka soo baxda laakiin, marka uu lumiyo aamminaadda xukuumadda waxa bilaama burburka dalalkaas waanay soo wada mareen (Dunida). Xukuumadda Somaliland iyada oo leh boqolkiiba konton(50%) shacbiga waan ka maarmay oo aan rumays nahay 50%-ka ay tirsanaysaana in aanay maanta kalsooniba ku qabin waxaan qabaa in aanay ahayn wakhtigii ugu haboona ee ay bilaaman wada hadallada Somaliland iyo Soomaaliya. Xisbi ahaan Anaga oo mabda ahaan ogol in la wada hadlo haddana waxa ka horeeya in aynu gurigeena hagaajino, in aynu shacbiga midayno, in aynu tacadiga, xeer jebinta iyo ku tumashada shuruucda, jidh dilka shacbiga iyo xadhigga ka dayno oo inaga oo midaysan oo shacbigu gudaha ka midaysan yahay ayuu gali kara in uu la hadlo. Marka ay ku haboonaato in wada hadal la galo waxa loo baahan yahay in qorshihii hore iyo istaraatijiyaddii hore wax laga bedelo loona diro dad ka midho dhalin kara, wada hadal kasta oo la galayana waa in ay u dhammaadaan metelayaasha shacbiga oo uu ka mid yahay xisbiga WADDANI,” ayuu yidhi Dr Cabdiraxmaan Cirro.

 

Farmaajo Iyo Abiy Axmed

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker