Mooshin Ka Dhana In xildhibaan uu Noqdo Farmaajo oo Barlamanka La Geeyaay.
Xildhibaano katirsan golaha shacabka Federaalka oo kamid ah xildhibaanada taageersan M/weyne Xassan Sheekh ayaa dadaal-galinaya in guddoonka baarlamaanka lagu qasbo in lajoojiyo Dhaarinta Xildhibaanimo ee Madaxweynihii hore Farmaajo.
Mooshinkan, oo ay horboodayaan xubno uu kamid yahay Cabdiraxmaan Cabdishakuur, oo maalin kahor kasoo laabtay dalalka Khaliijka, ayaa sabab looga dhigayaa in Farmaajo uusan xaq u laheyn kamid noqoshada baarlamaanka, iyadoo qorshahan tan iyo xalay laga shaqeynayay.
Villa Soomaaliya ayaa talaabadan u noqonaysaa bilowga dagaal siyaasadeed aan rasmi ahaan loogaran karin socodkiisa.