Liverpool oo Hogaanka u Qabatay Horyaalka Premeir League

Gool uu waqtigii dhimashada ciyaarta dhaliyay Roberto Firmino ayay Liverpool ku garaacday Tottenham oo marti ku aheyd Anfield iyagoo dubtay 2-1 islamarkaana la wareegay hogaanka horyaalka Premier League.

 

Reds ayaa Hogaanka ku hormartay ciyaartii caawa ka dib gool uu u saxiixay Mohamed Salah laakiin waxay Son Heung-min ayaa u barbareeyay Tottenham ka hor inta uusan Firmino gusha saxiixin daqiiqadii 90aad.

 

Natiijadan ayaa ka dhigan in Liverpool ay si rasmi ah u la wareegtay Hogaanka Premier League iyagoo leh 28 dhibcood halka Tottenham oo labaad ku jirta ay leedahay 25 dhibcood.

 

Liverpool ayaa sii dheereysatay rikoodhkeeda aan looga badinin garoonka Anfield horyaalka Premier League iyagoo sii maraya 66 kulan.

 

Qeybtii hore ee ciyaarta waxaa heysatay kooxda martida loo ahaa ee Liverpool kuwaasoo hogaanka ku hormaray daqiiqadii 26aad markii Curtis Jones uu iska dhexmaray khadka dhexe ee Tottenham .

 

Islamarkaana uu kubada u dhiibay Mohamed Salah kaasoo darbadiisa ay ku dhacday Alderweireld ka hor inta aysan shabaqa meel kone ah ka gelin.

 

 

Todobadii kulan ee ugu danbeysay ee Mohamed Salah uu ka horyimid Tottenham horyaalka Premier League wuxuu dhaliyay lix gool halka uu caawiye ka noqday goolka kale.

 

Reds ayaa fursado kale abuurtay iyagoo isku dayaya inay ciyaarta dilaan xilli hore laakiin Tottenham ayaa heshay gool lama filaan ah oo ay ciyaarta ku barbareysay daqiiqadii 33aad.

 

 

Lo Celso oo qalad ku lahaa goolkii Mohamed Salah ayaa iska soo qlaadkiisa iska soo guday markii uu kubad dhex bixis ah u dhiibay Son Heung-min kaasoo isna kubada la kor tagay goolhaye Alisson islamarkaana dhinac mariyay. Goolka ayaa loo shakiyay offside laakiin VAR ayaa xaqiijisay inuu ahaa gool sax ah.

 

 

Labo daqiiqo ka dib Liverpool ayaa ku dhawaatay inay hogaanka ku soo laabato markii darbo uu Roberto Firmino ka dhex bixiyay lugaha Dier uu si fantastik ah u badbaadiyay goolhaye Hugo Lloris.

 

 

Qeybtii hore ayaa lagu kala nastay barbaro gool iyo gool ah iyadoo Tottenham ay kaliya kubada heysatay boqolkiiba 25.

 

 

Shan daqiiqo markii ay socotay qeybta labaad Spurs ayaa ku dhawaatay inay hogaanka qabato markii Harry Kane uu dhexda ka soo arkay goolhaye Allison oo goolka ka soo baxay, wuxuuna u qaaday darbo gool loo fishay laakiin aakhirkii waxaa feer ku bixiyay goolhayaha reer Brazil.

 

 

Salah ayaa isna ku qasbay goolhaye Hugo Lloris inuu badbaadin fantastik ah sameeyo daqiiqadii 56aad.

 

 

Daqiiqadii 63aad Tottenham ayaa qarka u fuushay inay shabaqa ka soo taabato Liverpool, kubad dheer oo la soo qaaday ayuu Son Heung-min u madaxeeyay Steven Bergwijn kaasoo ku guuleystay inuu kubada dabamariyo goolhaye Alisson oo ku soo baxay laakiin kubada waxay ku dhacday birta iyadoo uu sii bixiyay Fabinho.

 

 

Dhanka kale Liverpool ayaa fursad fiican heshay daqiiqadii 68aad markii Wijnaldum uu kubad dhex bixis ah u dhiibay Mohamed Salah kaasoo aan darbadiisa xoojinin islamarkaana Lloris uu badbaadiyay.

 

 

Liverpool ayaa markeeda qarka u fuushay inay hogaanka ciyaarta ku soo laabtaan daqiiqadii 72aad markii Curtis Jones uu kubad macaan xerada goolka u dhigay Mane kaasoo darbo gantaal ah ku tuuray goolhaye, laakiin waxaa faraha ku taabtay ka hor inta aysan birta ku dhicin goolhaye Lloris.

 

 

Liverpool ayaa goolka guusha heshay ugu danbeysay daqiiqadii 90aad markii koorno uu soo qaaday Andy Robertson uu madax cajiib ah ku dhaliyay Roberto Firmino.

 

 

Waxayna ciyaarta ku soo dhamaatay 2-1 oo ay Liverpool ku garaacday Tottenham iyagoo la wareegay hogaanka Premier League.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker