JIRITAANKA GOLAYAASHA DEGAANKA Ma laga Maarmi karaa Golayaasha Degaanka ama Dawlad Hoose?

Ma laga Maarmi karaa Golayaasha Degaanka ama Dawlad Hoose?
Hordhac:
Warqadii mudo kordhinta Doorashada ee uu Madaxweynuhu u gudbiyay Golaha Guurtida waxaa ka muuqday ciwaankeeda sare “Mudo Kordhinta Doorashada Golaha wakiilada, wallow laga filaayay in ciwaankeedu ahaado “Mudo Kordhinta Doorashada Golaha Wakiilada iyo Golayaasha Degaanka” sidaa Daraadeed waxa ay yeelanaysaa fasiraad u dhigan sidan: A. In Doorasho Gole Degaan oo qabsoommaysaa aanay jirin.
Sida ku cad Dastuurka Qaranak iyo Xeer hoosaadkiisa “Xeerka Ismaamulka Gobalada iyo Degmooyinka JSL. (XEER LR. 23/2002)”
• XUBINTA 4’AAD GOLAHA DEEGAANKA QODOBKA 18’AAD GOLAYAASHA DEGMOOYINKA oo u dhigan sidan: Tirada Mudanayaasha Golayaasha Deegaanka Ee Dawaladdaha hoose waxay ku salaysan yihiin darajooyinkooda oo kala ah: – 1 Caasimadda Hargeysa 25 xildhibaan. 2. Degmooyinka Darajada “A” 21 Xildhibaan. 3. Degmooyinka Darajada “B” 17 xildhibaan. 4. Degmooyinka Darajada “C” 13 xildhibaan. 5. Degmooyinka Darajada “D” 9 xildhibaan.
• Isla QODOBKA 20’aad MUDDADA XILKA GOLAHA, faraciisa 1aad oo u dhigan sidan: “Mudada Xilka Mudaneyaasha Golaha Degmada waa shan (5) sanno oo ka bilaabmanta maalinta Maxkamaddu Go’aanka doorashada ku dhawaaqdo”.
• Isla QODOBKA 37’aad XADIDAADA AWOODDA GOLAHA. Farcamihiisa 1aad oo u dhigan sidan “Maamulka gobollada iyo degmooyinka waa qayb ka mid ah maamulka xukuumada jamhuuriyadda Somaliland sida ku cad qodobka 110aad ee dastuurka qaranka Oo ka hadlaya Maamulka Gobalada iyo Degmooyinka Farcamihiisa 1aad oo u dhigan sidan Maamulka gobollada iyo degmooyinku waa qayb ka mid ah Maamulka Xakuumadda Jamhuuriyadda Somaliland.
• Isla Qodobka 36aad XILKA GOLAHA DEGANKA. Farcamayaashiisa oo tiro ahaan 7 ahi, Si aan mugdi iyo madawna ku jirin waxa ay uga waramayaan siyaasada lagu hagayo iyo ilaa heerka uu gaadhsiisan yahay awoodooda, qorshoyaasha ay dejistaana waxay ku sar goyanayaan qorsha qaranka ee wakhtigaa lagu dhaqmayo.
Gebogebo:
Bulshada Somaliland waxaa lagu qiyaasaa 4ML, muwaadin kasta waxaa uu Xil ka saaran yahay ilaalinta Dastuurka iyo xeer hoosaadkiisa, waxaa hubaal ah cid kasta oo ku xad gudubtaa waa cid diidan jiritaanka qaranka jsl.
Beesha caalamku waxa ay indho gaar ah ku hayaan sida aynu ugu talaabsanay hanaanka democratic waxa aynu ku taaganahay jaranjaradii ugu saraysay ee aynu ku kasbanlahayn Ictiraafka.
Qalinkii: Eng. Cabdixakiim Maxamed Cabdi (samokaab)

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker